Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Sabtidii si rasmi ah u furay Kalfadhiga 6-aad ee Baarlamaanka 11-aad ee Federaalka Soomaaliya, isagoo khudbaddiisa dastuuriga ah ku taabtay qodobo muhiim u ah dowlad-dhiska, arrimaha amniga, horumarinta dhaqaalaha iyo hirgelinta doorashooyin dadweyne.
Kalfadhigan oo furitaankiisa ka dib dhacay ayaa waxaa ku gadaamnaa guux iyo hadal-hayn badan, balse ugu dambeyn waa uu qabsoomay inkastoo xubno badan oo labada aqal ka tirsan ay maqnaayeen.
Inkastoo uu Madaxweynaha ka hadlay arimo taagan oo ay ka mid yihiin arimaha doorashooyinka haddana waxaa jiro qodobo ay shacabka soomaaliyeed is weydiinayaan oo khudbada ka maqnaa maadaaama ay si weyn u sugayeen in Madaxweynaha uu arimahaas address gareeyo.
Haddaba, waxaan idiin soo gudbineynaa qodobada xasaasiga ah ee uusan Mxweynuhu soo hadal-qaadin kuwaasoo shacabka Soomaaliyeed ay quud-darreynayeen inay afkiisa maqlaan:
Khilaafka Federaalka iyo Jubaland
Tan iyo markii uu bilowday khilaafka Dowladda Federaalka iyo Maamulka Jubaland, waxaa jiray dadaallo ay wadeen dhinacyo kala duwan kuwaasoo looga gol lahaa in xal loogu helo culeysyada ka dhashay khilaafka siyaasadeed ee saameynta taban ku yeeshay isu socodka shacabka Gobollada Jubbada Hoose iyo Gedo.
Madaxweyne Xasan marnaba ma soo hadal-qaadin ismari-waagan siyaasadeed, oo xitaa sababay dagaalkii Raskamboni ka dhacay ee ceebta ay ka soo gaartay ciidamadda qaranka, taasoo culeys ku ah hannaanka doorasho ee uu doonayo inuu dalka ka hirgeliyo. Maqnaashaha Jubaland ee Golaha Wadatashiga iyo Puntland oo hore uga baxday waxay ka dhigan tahay inaan loo dhammeyn jihada doorasho ee dalku aadayo.
Iibinta dhulka danta guud ee Muqdisho
Bartamihii bishii May ee 2022 ayuu Madaxweyne Xasan Sheekh xilka kusoo laabtay, wuxuuna qaaday tallaabooyin lagu barakiciyay dad shacab ah oo ku noolaa dhulalka Dowladda. Waxaa hubaal ah inay Dowladda xaq u leedahay inay dhulkeeda soo ceshato, balse su’aasha taagan ayaa ah: sidee dowladdu dhul dan guud ay uga soo celisay shacab oo isla shacab kale uga iibisay?
Waxaa jirta in ficilladaas ay ka dhasheen qaylo-dhaan, taasoo shacabkii guryahooda cagafta la galiyay, hoggaamiyayaasha mucaaradka ah – gaar ahaan Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed, Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Khayre, Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame – iyo qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah ay isku si uga falceliyeen.
Inkastoo aan dhag-jalaq loo siinin, walina ay socdaan tallaabooyinka lagu baacsanayo dan-yarta, haddana waxaa laga filayay in Madaxweynuhu la yimaado qorshe uu ku sababeeynayo dib ula noqoshada Dowladda ee dhulalkaas iyo ka ganacsigooda, xeerarka iibka qaranka ee loo maray, iyo halka dhaqaalaha kasoo xarooday lagu bixiyay. Ilaa iyo hadda lama hayo caddeymo muujiyo in dhaqaalahaas lagu shubay qasnadda guud ee Dowladda.
Xadgudubka Imaaraatka ee gobannimada dalka
Dowladda Imaaraatka Carabta ayaa soo dhaweyn heer sare ah iyo qaabilaad maqaamkeedu u dhigmo hoggaamiye dowlad madax-bannaan u sameysay Madaxweynaha Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro). Waxaa isla shirweynahaas maqaamkooda hoos loogu dhigay madaxdii matalaysay Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Inkastoo shirkan uu u furnaa dowladaha, shirkadaha, shakhsiyaadka iyo maalgashadayaasha, haddana maqaamka la siiyay wafdiga Somaliland iyo dhaqaalaha ay Dowladda Imaaraatka ku bixisay inay u fududeyso inuu Cirro la hadlo warbaahinta caalamka, waxay ahayd fursad aysan Somaliland waligeed ka helin fagaarayaasha caalamka. Waa xujo diblomaasiyadeed oo u baahan inuu furo Madaxweyne Xasan, taasoo muujinaysa sida Imaaraatku aanu xushmad ugu haynin Dowladda fadhigeedu yahay Muqdisho.
Xil-haynta madaxweynayaasha dowlad goboleedyada iyo doorashooyinka golaha deegaanka
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa doorashadiisa kaddib olole u galay in dalka laga hirgeliyo doorasho dadweyne oo dhammaan dalka ka qabsoonta. Waxaa la dhisay guddi laga soo xulay taageerayaasha Xisbiga UPD iyo xigtada mas’uuliyiinta ugu sarreeya dalka. Puntland iyo Jubaland qeyb kama aha qorshahan oo waa ay qaadaceen. Labadooduba waxay qabsadeen doorashooyin ay u madax-bannaan yihiin oo dib loogu doortay Deni iyo Madoobe.
Inkastoo uu khudbaddiisa ku faahfaahiyay in doorasho qof iyo cod ah uu dalka ka hirgelinayo, dhaqaale malaayiin doollar ah loo diyaariyay, qalab casri ah oo hawshaas lagu qabtana lasoo iibiyay, haddana marnaba ma soo hadal-qaadin sidii bisha Juun ee sanadkan oo loo asteeyay doorashooyinka Golaha Deegaanka loo qaban lahaa.
Falanqeeyeyaasha waxay tilmaamayaan in hadalka Madaxweynaha laga dheehan karo inuu doonayo inuu sameysto muddo kordhin sharci darro ah oo uu u sii maraayo hanaan doorasho oo waqti lumis ah si muddo dheeraad ah uu xafiiska u sii joogo.