Sunday, March 8, 2026
spot_img
GurigaWararkaAfgambi Ka Socda Benin: Milatariga Oo Ku Dhawaaqay Inay La Wareegeen Talada...

Afgambi Ka Socda Benin: Milatariga Oo Ku Dhawaaqay Inay La Wareegeen Talada Dalka

Isku day afgambi ayaa ka socda dalka Benin, ka dib markii koox askar ah ay sheegteen in ay xukunka ka tuureen Madaxweyne Patrice Talon, ayna la wareegayaan talada dalka. Askartani ayaa ku dhawaaqday sameynta “Guddiga Milateriga ee Dib-u-aasaasidda,” waxayna hakiiyeen dastuurka, isla markaana kala direen dowladda iyo xisbiyada siyaasadda.

Kooxdan ayaa tallaabadooda ku sababeeysay dhaleeceyn ku saabsan maamulka Talon, waxaana la rumeysan yahay in hoggaamiyaha afgambiga uu yahay Gaashaanle Dhexe Pascal Tigri. Illaa hadda, lama oga halka uu Talon ku sugan yahay, hase yeeshee madaxtooyadu waxay sheegtay inuu nabad qabo, ciidamuna ay xaaladda dib u xakameynayaan. Subaxdii ayaa magaalada Cotonou laga maqlayay rasaas, waxaana diyaaradaha milaterigu dul heehaabayeen.

Doorasho madaxtinnimo ayaa Benin lagu waday in ay dhacdo Abriil 2026, iyadoo Talon hore u ballan qaaday inuusan isa soo sharrixi doonin mar saddexaad, isla markaana magacaabay qofkii beddeli lahaa. Afgambigan ayaa ku soo beegmay maalmo ka dib markii madaxweynihii Guinea-Bissau, Umaro Sissoco Embalo, xukunka laga tuuray. Sanadihii u dambeeyay, Galbeedka Afrika waxaa ka dhacay afgambiyo dhowr ah, taasoo kordhinaysa cabsi laga qabo xasiloonida gobolka.

RELATED ARTICLES

Most Popular