Saturday, March 7, 2026
spot_img
GurigaWararkaAl-Shabaab oo Xaqiijisay Geerida Sarkaal Sare kadib Duqeyn ka Dhacday Jubbada Dhexe

Al-Shabaab oo Xaqiijisay Geerida Sarkaal Sare kadib Duqeyn ka Dhacday Jubbada Dhexe

Talaado, Febraayo 10, 2026, Kooxda Al-Shabaab ayaa bayaan rasmi ah ku xaqiijisay in Sheekh Maxamed Saahal, oo ay ku naanaysi jireen Abu Usaama, lagu dilay duqeyn cirka ah oo ka dhacday Gobolka Jubbada Dhexe.

Sida lagu sheegay bayaanka kooxda, Sheekh Abu Usaama ayaa ahaa madaxa guddiga gurmadka abaarta ee Al-Shabaab, waxaana la beegsaday xilli uu ku sugnaa deegaan ku dhow degmada Bu’aale, halkaas oo ay sheegeen inuu ku howlanaa arrimo la xiriira gargaar iyo taakuleyn loo fidinayay dad ay saameysay abaartu.

Al-Shabaab ayaa intaas ku dartay in Abu Usaama uu horey xilal kala duwan uga soo qabtay ururka, islamarkaana uu muddo dhowr sano ah ahaa mas’uul u qaabilsanaa gobolka Shabeellaha Hoose xilli ay kooxda ka talinaysay deegaanno ka tirsan gobolkaas.

Bayaanka Al-Shabaab ayaa yimid kadib markii Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka Soomaaliya (NISA) ay shaacisay in hawlgal qorsheysan oo duqeyn ah laga fuliyay agagaarka degmada Saakow, kaas oo lagu dilay hoggaamiye sare oo ka tirsan Al-Shabaab, inkastoo aan markaas la shaacin magaciisa.

NISA ayaa sheegtay in hawlgalkaasi lagu fuliyay iyadoo la kaashanayo saaxiibada caalamiga ah, waxaana ay xaqiijisay in bartilmaameedku ahaa sarkaal sare oo ka tirsan kooxda.

Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) weli kama uusan soo saarin war rasmi ah oo ku saabsan duqeynta, halka Dowladda Federaalka Soomaaliya aysan si toos ah u xaqiijin ama u beenin faahfaahinta ku saabsan geerida Sheekh Maxamed Saahal.

RELATED ARTICLES

A REPLY TAGO

Fadlan qor faalladaada!
Fadlan halkan ku qor magacaaga

Most Popular