Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa ka digay in dowladnimada Soomaaliya ay ku socoto “jid khatar ah,” isagoo ku eedeeyay hoggaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) inay wiiqayaan nidaamka federaalka isla markaana awoodda ku ururinayaan Muqdisho.
Axmed Madoobe oo ka hadlayay furitaanka kalfadhiga cusub ee Baarlamaanka Jubbaland, ayaa sheegay in dawladnimadii dalka ay haatan ku kooban tahay caasimadda, halka doorkii dastuuriga ahaa ee dowlad-goboleedyada la dayacay. Wuxuu xusay in jihada siyaasadeed ee hadda la marayo ay dhalin karto halis qaran oo hor leh.
Madaxweynaha Jubbaland ayaa sidoo kale ka hadlay arrinta Somaliland, isaga oo sheegay inay xaq u leeyihiin inay raadsadaan masiirkooda siyaasadeed, balse uu tilmaamay in arrintaasi u martay waddo dheer halkii xal Soomaali dhexdeeda ah laga raadin lahaa. Wuxuu ka digay in habka hadda lagu wajahayo uu keeni karo cawaaqib khatar ah.
Axmed Madoobe ayaa sheegay in haddii aan wax isbeddel ah lagu samayn qaabka uu dalka u maamulayo Madaxweynaha Dowladda Federaalka, Xasan Sheekh Maxamuud, ay suuragal tahay in Puntland iyo Jubbaland ay qaataan waddo ay iyagu isugu tashadaan, taas oo ka fogaan karta xalalka lagu raadinayo khilaafaadka jira.
Dhanka kale, wuxuu sheegay in go’aannada DFS ee la xiriira dekedaha iyo hawada Soomaaliya aysan waxba ka beddeli karin xaqiiqada ka jirta dhulka, isagoo ku dooday in dowladda federaalka ay ku fashilantay maamulidda hawada, isla markaana ay adkaan doonto inay si buuxda u maamusho dekedaha Jubbaland.
Ugu dambayn, Madaxweynaha Jubbaland ayaa ku dhawaaqay in haddii Madaxweyne Xasan Sheekh uusan jawaab ka bixin muddo 20 maalmood ah, Jubbaland ay bilaabi doonto hannaankeeda doorasho, isla markaana aanay sugi doonin waqtiga horay loo qorsheeyay ee bisha May.
Hadalladan ayaa imanaya xilli ay sii kordhayaan khilaafaadka siyaasadeed ee u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo qaar ka mid ah dowlad-goboleedyada, taas oo walaac ka dhalisay mustaqbalka xasilloonida siyaasadeed ee dalka.

