Tuesday, March 10, 2026
spot_img
GurigaWararkaAxmed Madoobe Oo Kismaayo Kula Kulmay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah ee Taliska...

Axmed Madoobe Oo Kismaayo Kula Kulmay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah ee Taliska AFRICOM

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland, Axmed Maxamed Islaam, ayaa magaalada Kismaayo ku qaabilay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah ee Taliska AFRICOM, Claude K. Tudor Jr., iyo wafdi uu hoggaaminayo oo booqasho ku yimid Jubaland.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinaca amniga, dardargelinta howlgallada ka dhanka ah kooxda Al‑Shabaab, iyo taageerada lagu xaqiijinayo xasilloonida deegaannada Jubaland.

Sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay Jubaland, labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay qorshayaal lagu kordhinayo wada shaqeynta u dhexeysa ciidamada ammaanka Jubaland iyo saraakiisha millatari ee Mareykanka, taas oo qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo amniga gobolka.

Intii uu socday kulanka, Maj. Gen. Claude K. Tudor Jr. ayaa bogaadiyay howlgalladii ugu dambeeyay ee si wadajir ah u fuliyeen ciidamada Jubaland iyo ciidamada Kumaandooska Soomaaliyeed ee Danab. Wuxuu sheegay in howlgalladaas lagu gaaray guulo wax ku ool ah oo dhabar jab ku noqday Al-Shabaab, isla markaana kor u qaaday amniga deegaannada ay ka dhaceen.

Booqashadan ayaa sidoo kale ku soo beegantay xilli ciidanka AFRICOM ay dhowaan duqeyn cirka ah ka fuliyeen agagaarka deegaanka Harbole oo qiyaastii 75 kiiloomitir waqooyi-galbeed ka xiga Kismaayo, taas oo lagu beegsanayay xubno ka tirsan Al-Shabaab si loo daciifiyo awoodda kooxda.

Kulanka waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka Amniga Gudaha ee Jubaland, Yuusuf Xuseen Cismaan. Labada dhinac ayaa ugu dambeyn isku raacay in la sii xoojiyo iskaashiga dhinaca tababarka, taageerada farsamo iyo howlgalada amni si loo xaqiijiyo nabad iyo xasillooni waarta oo ka jirta Jubaland.

RELATED ARTICLES

A REPLY TAGO

Fadlan qor faalladaada!
Fadlan halkan ku qor magacaaga

Most Popular