Mid kamid ah jufooyinka beesha Reerow Xasan, gaar ahaan jufta Reerow Udgoone, ayaa markale isugu yimid kulan ay uga tashanayaan tabasho ay ka qabaan wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Federaalka Soomaaliya, Faarax Sheekh Cabdiqaadir. Odayaasha jufta Reerow Udgoone ayaa wasiirka ku sifeeyay inuu cadaalad-darro ka dhex wado beesha dhexdeeda, taasoo horseedday kala fogaansho iyo khilaaf u dhexeeya jufooyinka.
Odayaasha iyo waxgaradka jufta Reerow Udgoone ayaa caddeeyay in ay dhowr jeer cabasho rasmi ah u gudbiyeen hay’adaha dowladda, balse aan wax jawaab ah laga siinin, arrintaas oo ku qasabtay in ay si cad codkooda kor ugu qaadaan. Sida wararka sheegayaan, jufooyin kale oo ka tirsan beesha Reerow Xasan ayaa horey warbaahinta uga diray baaqyo ay kaga codsanayaan dowladda in ay si degdeg ah uga qabato fidnada iyo kala fogaanta uu Wasiir Faarax Sheekh Cabdiqaadir ka dhex wado beesha dhexdeeda.
Waxgaradka iyo odayaasha beesha ayaa dowladda Federaalka ka codsaday in ay si dhab ah uga soo farageliso arrimahan, si loo soo afjaro xiisadda iyo khilaafka ka dhex aloosan jufooyinka beesha Reerow Xasan, isla markaana loo xaqiijiyo wada noolaansho iyo cadaalad dhexdeeda.
Waxaayna soo saareen bayaankaan hoos ku qoran:



