Saturday, March 7, 2026
spot_img
GurigaWararkaBaarlamaanka Federaalka oo Maanta Go’aan ka Gaaraya Ansixinta Wax-ka-beddelka Dastuurka

Baarlamaanka Federaalka oo Maanta Go’aan ka Gaaraya Ansixinta Wax-ka-beddelka Dastuurka

Muqdisho, Maarso 4, 2026 — Kulanka wadajirka ah ee labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ka furmay xarunta Villa Hargeysa, iyadoo ajandaha ugu weyn uu yahay ansixinta wax-ka-beddelka Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Fadhiga waxaa si rasmi ah u furay Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Aadan Maxamed Nuur Madoobe. Wararka laga helayo Baarlamaanka ayaa sheegaya in kulanka ay xaadir yihiin 186 xildhibaan oo ka tirsan Golaha Shacabka iyo 36 senator oo ka tirsan Aqalka Sare, kuwaas oo ka qeyb qaadanaya codbixinta.

Ajandaha kulanka waxaa sidoo kale ku jira dhaarinta senator cusub oo ku soo biiray Aqalka Sare, ka hor inta aan loo gudbin cod u qaadista cutubyada wax-ka-beddelka lagu sameeyay. Cutubyada 4aad iyo 13aad ayaa ka mid ah qodobada maanta loo codeynayo, kadib markii ay soo idlaadeen doodihii iyo warbixinadii ay horay u jeediyeen Guddiga Dastuurka ee Baarlamaanka iyo guddiga madaxa bannaan.

Qaar ka mid ah mudanayaasha Baarlamaanka ee ka soo jeeda Puntland iyo Jubaland ayaan ka qeyb galin fadhiga maanta, iyagoo si rasmi ah u qaadacay isbeddelka Dastuurka. Guddoonka Baarlamaanka ayaa hore ugu eedeeyay qaar ka mid ah xubnahan inay fowdo ka sameeyeen fadhiyo hore, taasoo sababtay in laga joojiyo ka qeyb galka kulamada wadajirka ah.

Xildhibaanno badan oo ku sugan xarunta Villa Hargeysa ayaa sheegay in maanta la gaaray marxaladdii codbixinta, kaddib maalmo ay socdeen dooddo la xiriiray wax-ka-beddelka Dastuurka.

Natiijada rasmiga ah ee ka soo baxda codbixinta ayaa la filayaa in lagu dhawaaqo marka uu soo gabagaboobo kulanka maanta.

RELATED ARTICLES

A REPLY TAGO

Fadlan qor faalladaada!
Fadlan halkan ku qor magacaaga

Most Popular