Ciidanka Booliska Soomaaliya, gaar ahaan qeybta guud ee gobolka Banaadir ayaa saqdii dhexe ee xalay shaaciyay inay xabsiga dhigeen Weriye Cali Aadan Muumin oo ka mid ah weriyaasha ugu caansan caasimadda Muqdisho.
Taliska qeybta guud ee booliska Gobolka Banadir ayaa xaqiijiyey inay saldhiga Xamar-Weyne dhigeen Weriye Cali Aadan, isagoo lagu eedeeyey ‘qalqal gelin amni iyo aflagaado madaxeed.’
“Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed gaar ahaan Saldhigga Boliiska Xamar-Weyne ayaa soo xiray Eedeysane Cali Adan Muumin oo ku eedeysan Qal Qal galin Amni iyo aflagaado madaxeed,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Taliska qeybta guud ee Booliska Gobolka Banaadir.
Booliska ayaa qoraalkooda sidoo kale ku sheegay in Cali Aadan Muumin la horgeyn doono Maxkamadda awooda u leh inay kiiskiisa dhageysato.
“Muwaadiinta Soomaaliyeed waxaa la faray in aysan qeyb ka noqonin qalqal galinta Amniga iyo faafinta wararka been abuurka ah,” ayaa lagu soo koobay qoraalka Booliska ka soo baxay.
Cali Aadan Muumin waxaa uu maalmihii lasoo dhaafay dhaliilayey dowladda federaalka, isagoo ka hadlayey waxyaabaha ay ka gaabiyeen madaxda dowladda federaalka ee Soomaaliya.
Dhanka kale, markii la shaaciyey xarigga Weriye Cali Aadan kadib, ayaa waxaa baraha bulshada lagu faafiyay warar sheegaya in Taliyaha qeybta guud ee Booliska Gobolka Banaadir, Macalin Mahdi, uu afur ku casuumay Cali Aadan Muumin, kadibna uu xiray markii uu ugu tegay gurigiisa. Si kastoo ay noqotaba, Akhbar Media si madax banaan uma xaqiijin karto qaabka ay booliska u soo qabteen Cali Aadan Muumin.
