Saturday, March 7, 2026
spot_img
GurigaWararkaBooliska Soomaaliya oo Muqdisho ku Xiray La-taliyaha Madaxweynaha Puntland

Booliska Soomaaliya oo Muqdisho ku Xiray La-taliyaha Madaxweynaha Puntland

Muqdisho, Maarso 4, 2026 — Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa xaqiijiyay xariga Axmed Cabdi Maxamuud Hurre, oo ka mid ah la-taliyeyaasha Madaxweynaha Puntland, kaddib howlgal ka dhacay magaalada Muqdisho.

Sida ay boolisku ku sheegeen qoraal kooban, ciidamada ayaa “gudanaya waajibaadkooda qaran” isla markaana ay soo qabteen eedaysane ku howlanaa falal amniga lid ku ah, iyadoo lagu wado baaris. Faahfaahin dheeraad ah lagama bixin nooca eedeymaha loo haysto.

Wararka ayaa sheegaya in Hurre laga xiray Hotel Airport ee Muqdisho xilli uu halkaasi kula sugnaa xubno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Qaar ka mid ah xildhibaanada ayaa sheegay in ciidamo boolis ah ay gudaha u galeen hoteelka xilli habeen ah.

Xildhibaan Sareedo Maxamed Xasan Jeyte ayaa barteeda bulshada ku sheegtay in ciidamo hubeysan ay gudaha u galeen hoteelka, islamarkaana ay kaxeeyeen Axmed Cabdi Maxamuud Hurre. Waxay sidoo kale ku eedeysay ciidamada inay u hanjabeen xildhibaanada halkaasi ku sugnaa.

Dhanka kale, Maamulka Puntland ayaa war uu soo saaray ku beeniyay eedeymaha loo jeediyay la-taliyahooda, isagoo ku tilmaamay xariga mid sharci darro ah, isla markaana ku eedeeyay ciidamada inay jirdil u geysteen mas’uulka la xiray.

Warar kale oo soo baxaya ayaa tilmaamaya in howlgalka uu ku soo beegmay xilli ay Muqdisho ka taagan tahay xiisad siyaasadeed oo la xiriirta muran u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Puntland, kaas oo ku saabsan arrimo la xiriira dastuurka iyo wada-shaqeynta hay’adaha dowladda.

Ilaa hadda ma jirto wax war ah oo ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo si toos ah uga hadlaya xariga la-taliyihiisa.

RELATED ARTICLES

A REPLY TAGO

Fadlan qor faalladaada!
Fadlan halkan ku qor magacaaga

Most Popular