Saturday, March 7, 2026
spot_img
GurigaWararkaBooliska Soomaaliya oo xiray laba dhalinyaro ah oo lagu eedeeyay kicin dadweyne...

Booliska Soomaaliya oo xiray laba dhalinyaro ah oo lagu eedeeyay kicin dadweyne iyo qalqal-gelin amni

Muqdisho — Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan Taliska Qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir, ayaa xalay xiray laba dhalinyaro ah oo lagu eedeeyay falal la xiriira kicin dadweyne iyo qalqal-gelin amni.

Dhallinyarada la xiray ayaa kala ah Mahad Maxamuud Xamarow, oo loo yaqaanno Garyaqaan, iyo Yuusuf Xasan Cali, oo sidoo kale lagu magacaabo Yuu Boss. Labada eedeysane ayaa lagu xiray saldhigga Booliska degmada Hodan, sida uu xaqiijiyay taliska Booliska.

Taliyaha Qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir, Gaashaanle Sare Mahdi Cumar Muumin (Macallin Mahdi), ayaa sheegay in eedeysanayaasha lagu soo xiray baaritaanno la xiriira ku lug lahaanshaha kicin dadweyne iyo falal wax u dhimaya amniga, isla markaana la horgeyn doono maxkamadda awoodda u leh si sharciga waafaqsan.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Booliska ayaa lagu sheegay in tallaabadan ay qeyb ka tahay dadaallada lagu xaqiijinayo amniga guud iyo la-dagaallanka fal kasta oo keeni kara qalqal amni. Boolisku wuxuu sidoo kale ugu baaqay shacabka inay la shaqeeyaan hay’adaha ammaanka, isla markaana ay soo wargeliyaan wax kasta oo lid ku ah nabadgelyada.

Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir ayaa mar kale adkeeyay in hay’adaha ammaanku ay tallaabo ka qaadi doonaan qof kasta oo ku lug yeesha kicinta bulshada ama faafinta falal keeni kara xasilooni darro, isagoo xusay in tallaabo sharci ah laga qaadi doono cid kasta oo lagu helo dambiyadaas, xitaa haddii ay ku sugan tahay dalka dibaddiisa.

Xiritaankan ayaa kusoo aadaya xilli Booliska Soomaaliya ay kordhiyeen howlgallada lagula tacaalayo falalka lagu qalqal-gelinayo amniga, gaar ahaan kuwa la xiriira isticmaalka baraha bulshada.

RELATED ARTICLES

Most Popular