Booliska Soomaaliya ayaa xalay xabsiga ka sii daayey Weriye Cali Aadan Muumin oo kamid ah weriyaasha ugu caansan Muqdisho ee wax ku qora baraha bulshada.
Taliska qeybta guud ee booliska Gobolka ayaa labo habeen ka hor xaqiijiyey inay xireen Weriye Cali Aadan, iyadoo lagu eedeeyey ‘qalqal gelin amni iyo aflagaado madaxeed.’
“Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed gaar ahaan Saldhigga Boliiska Xamar-Weyne ayaa soo xiray Eedeysane Cali Adan Muumin oo ku eedeysan Qal Qal galin Amni iyo aflagaado madaxeed,” ayaa lagu yiri qoraalkii xiligaas ka soo baxay Taliska qeybta guud ee Booliska Gobolka Banaadir.
Inkastoo habeenkaas warbixinta Booliska lagu sheegay in Cali Aadan la horgey doono Maxkamadda, hadana xalay ayaa xoriyadiisa dib loo siiyay, sida uu isagaba ku shaaciyey bogiisa rasmiga ah ee u uku leeyahay aalada Facebook.
“Waxaan ahay macaan iyo qaraar meel ku wada yaal. Hadda Xor baan ahay,” ayu ku soo dul qoray sawir uu soo dhigay bogiisa markii la sii daayay ka dib.
Sidoo kale, saaxiibadiisa gaarka ah ee Weriye Cali Aadan ayaa xaqiijiyey in xalay uu dib xoriyadiisa u helay, mana bixin faahfaahin intaas ka badan.
Si kastoo ay noqotaba, Akhbar Media ayaa xoggo hoose oo ay heshay ku ogaatay in Madaxweynaha Galmudug Axmad Cabdi Kariye (Qoor Qoor) uu gacan ka geestay sii deynta Wariye Cali Aadan Muumin.
Xarigga Weriyahaan ayaa aad loogu dhaleeceeyey dowladda, iyadoo siyasiyiinta mucaaradka ah iyo Madaxdii hore ee dalka ay si weyn uga dhiidhiyeen xarigiisa iyagoo arintan ku tilmaamay caburin lagu sameynaayo warbaahinta iyo ku tumashadda xuriyatul qowlka.