Saturday, March 7, 2026
spot_img
GurigaWararkaCiidamada Xaq-u-dirirka Deegaanka oo khasaare culus gaarsiiyay Al-Shabaab

Ciidamada Xaq-u-dirirka Deegaanka oo khasaare culus gaarsiiyay Al-Shabaab

Hiiraan — Ciidamada xaq-u-dirirka deegaanka ee Macawiisleyda, oo garabsanaya Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ayaa fuliyay howlgallo ballaaran oo ka dhacay deegaanno hoostaga Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan, kuwaas oo khasaare culus lagu gaarsiiyay maleeshiyada Al-Shabaab.

Howlgallada ayaa yimid kaddib markii ciidamada ay heleen xog sugan oo ku saabsan dhaqdhaqaaqyo ay kooxda Al-Shabaab ka wadeen deegaannada la beegsaday. Intii ay socdeen howlgalladu, waxaa la sheegay in la fashiliyey qorshayaal ay maleeshiyadu ku dhibaateynayeen shacabka, isla markaana lagu gaarsiiyay khasaare xooggan.

Saraakiisha hoggaaminaysay howlgallada ayaa sheegay in howlgalladu ay sii socon doonaan ilaa laga ciribtiro xubnaha Al-Shabaab ee ku dhuumaaleysanaya qaybo kamid ah Gobolka Hiiraan, iyagoo xusay in mudnaanta koowaad la siinayo sugidda amniga iyo badbaadada shacabka.

Dhanka kale, ciidamada wadajirka ah ee Xoogga Dalka iyo Macawiisleyda ayaa maalintii labaad wada howlgallo xiriir ah oo ka socda bariga gobolka Hiiraan. Maalintii shalay ayaa dagaal culus ka dhacay deegaanka Teedaan, halkaas oo iska horimaad xoogan uu ku dhexmaray ciidamada iyo Al-Shabaab, inkastoo aan si rasmi ah loo shaacin tirada khasaaraha.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Xoogga Dalka ayaa sheegay in ujeeddada howlgalladan ay tahay ka hortagga guluf dagaal oo ay Al-Shabaab ka abaabuleyso deegaanno hoostaga Matabaan iyo Baladweyne, iyo in dib loogu xoreeyo deegaannada ay weli ku sugan yihiin kooxda.

Howlgalladan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee dowladda Federaalka iyo shacabka deegaanka ay ku doonayaan in lagu xaqiijiyo nabadda iyo xasilloonida guud ee Gobolka Hiiraan.

RELATED ARTICLES

Most Popular