Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah, ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanka Tardo ee gobolka Hiiraan, halkaas oo lagu dilay illaa sagaal xubnood oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, sida lagu sheegay warsaxaafadeed rasmi ah.
Howlgalka ayaa yimid kaddib markii hay’adaha amniga ay heleen xog sirdoon oo sugan, taas oo muujinaysay in maleeshiyaadka Al-Shabaab ay deegaankaas ka sameysteen bar-koontarool sharci-darro ah, isla markaana ay qorsheynayeen in ay lacago baad ah kaga qaadaan gaadiidka ay shacabka isticmaalaan. Sida ay sheegeen saraakiisha amniga, howlgalku wuxuu si buuxda u fashiliyey damacyadii kooxda.
Intii uu socday howlgalkan, ayaa sidoo kale la burburiyay goob ay kooxda u diyaarisay dhibaateynta shacabka, waxaana meesha laga saaray khatartii ay ku hayeen dadka ku nool deegaanka. Wararka qaar ayaa tilmaamaya in howlgalku uu isugu jiray mid dhulka iyo mid cirka ah, laguna beegsaday maleeshiyaad iyo xubno isku uruursanayay halkaasi.
Hay’adda NISA ayaa mar kale adkeysay go’aankeeda ah in ay sii waddo howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, iyada oo sheegtay in meel kasta lagu beegsan doono kooxaha ku howlan dhagarta, cabsi gelinta iyo dhibaateynta shacabka Soomaaliyeed, si loo xaqiijiyo amniga guud iyo badbaadada muwaadiniinta.
Halkan ka akhri warsaxaafadeedka rasmiga ah ee ka soo baxay Hay’adda NISA.


