Saturday, March 7, 2026
spot_img
GurigaWararkaCiidanka Xoogga oo Howlgal Qorsheysan ka Fuliyay Deegaanka Warmaxan

Ciidanka Xoogga oo Howlgal Qorsheysan ka Fuliyay Deegaanka Warmaxan

Shabeellaha Hoose – Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, iyagoo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah, ayaa fuliyay hawlgal bartilmaameed ah oo ka dhan ah maleeshiyaadka Al-Shabaab, kaas oo ka dhacay agagaarka deegaanka Warmaxan ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Saraakiisha hoggaamisay hawlgalka ayaa xaqiijiyay in laba xubnood oo ka tirsan kooxda la dilay, halka laba kale nolosha lagu qabtay. Howlgalka ayaa lagu tilmaamay mid si gaar ah loo qorsheeyay, laguna beegsaday xubno ku sugnaa aagga Warmaxan.

Intii uu socday hawlgalka, ciidamada ayaa sidoo kale gacanta ku dhigay walxo qarxa oo ay argagixisadu qorsheynayeen inay ku dhibaateeyaan shacabka. Sidoo kale, waxaa la burburiyay goobo ay maleeshiyaadku u adeegsan jireen dhibaateynta dadka rayidka ah iyo ururinta dhaqaale.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa lagu sheegay in howlgalkan uu qeyb ka yahay dadaallada joogtada ah ee lagu ciribtirayo Al-Shabaab, laguna xaqiijinayo amniga guud iyo badbaadada shacabka ku nool gobolka Shabeellaha Hoose.

Saraakiisha amniga ayaa carrabka ku adkeeyay in hawlgallada noocan ah ay sii socon doonaan, si loo xoojiyo amniga loona yareeyo khatarta ay kooxaha argagixisadu ku hayaan bulshada.

RELATED ARTICLES

A REPLY TAGO

Fadlan qor faalladaada!
Fadlan halkan ku qor magacaaga

Most Popular