Saturday, March 7, 2026
spot_img
GurigaWararkaCulimada Soomaaliyeed oo Muqdisho ka dhigay bannaanbax looga soo horjeedo Israa’iil

Culimada Soomaaliyeed oo Muqdisho ka dhigay bannaanbax looga soo horjeedo Israa’iil

Muqdisho — Culimada Soomaaliyeed ayaa maanta magaalada Muqdisho ku qabtay bannaanbax ballaaran oo ay kaga soo horjeedaan waxa ay ku tilmaameen faragelin Israa’iil ku hayso midnimada iyo madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Isu-soo-baxa, oo ka dhacay Taallada Daljirka Dahsoon, ayaa waxaa soo abaabulay culimada dalka, waxaana ka qayb galay mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir, culimo, waxgarad, bulshada rayidka ah iyo dadweyne tiro badan. Ka qaybgalayaashu waxay si wadajir ah u muujiyeen diidmada ay ka qabaan tallaabooyinka Israa’iil, iyagoo adkeeyay diyaar-garowgooda ku aaddan difaaca midnimada dalka.

Culimo dhowr ah oo goobta ka hadlay ayaa si adag u cambaareeyay tallaabooyinka Israa’iil. Sheekh Cali Wajiis ayaa sheegay in ujeeddada bannaanbaxa ay tahay wacyigelin dadweyne, isagoo xusay in culimadu ay bulshada uga digayaan waxa ay ku tilmaameen dhagar lagu doonayo kala-goynta dalka.

Dhankiisa, Sheekh Yuusuf Cali Ceynte ayaa sheegay in masuuliyad wadajir ah ay saaran tahay dhammaan qeybaha bulshada si looga hortago wax kasta oo wax u dhimaya midnimada Soomaaliya. Wuxuu ku baaqay in madax, culimo iyo shacab ay u midoobaan difaaca qaranka.

Sidoo kale, Sheekh Cabdullaahi Axmed ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed aysan aqbali doonin faragelin lagu sameeyo midnimada dalka. Guddoomiye ku-xigeenka Midowga Golaha Culimada Soomaaliyeed, Sheekh Bashiir Axmed Salaad, ayaa isna carrabka ku adkeeyay in aan la oggolaan doonin wax xadgudub ah oo ka dhan ah midnimada ummadda.

Guddoomiyaha Midowga Golaha Culimada Soomaaliyeed, Sheekh Suufo Yare, oo hadal ka jeediyay bannaanbaxa, ayaa sheegay in isu-soo-baxu yahay farriin cad oo ka timid culimada dalka, kuna saabsan ilaalinta midnimada ummadda iyo ka hortagga faragelin shisheeye.

Bannaanbaxan ayaa imanaya xilli ay sii kordhayaan falcelinta gudaha iyo dibadda ee ku aaddan go’aanka Israa’iil ay ku aqoonsatay Somaliland, arrin ay Dowladda Federaalka Soomaaliya si cad u diidday, iyadoo ku tilmaantay m

RELATED ARTICLES

Most Popular