Saturday, March 7, 2026
spot_img
GurigaWararkaDagaal culus oo maalintii labaad ka socda galbeedka Baydhabo

Dagaal culus oo maalintii labaad ka socda galbeedka Baydhabo

Baydhabo — Dagaal u dhexeeya Ciidamada Daraawiishta Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo ciidamo hubeysan oo daacad u ah sarkaal ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa maalintii labaad ka socda galbeedka magaalada Baydhabo, oo ah xarunta gobolka Baay, iyadoo xaaladdu weli tahay mid kacsan.

Iska horimaadyada, oo billowday waaberigii Arbacada, ayaa mar kale saaka dib uga qarxay xaafado ka mid ah galbeedka Baydhabo, gaar ahaan Onadka, Cali Amxaar iyo illaa waddada Sodonka. Wararka ayaa sheegaya in dagaalku xoogaystay kadib markii gurmadyo dheeri ah ay heleen ciidamada taabacsan sarkaal lagu magacaabo Cabdiraxmaan Nishow, oo la sheegay inuu hore uga tirsanaa Qeybta 60-aad, Guutada 8-aad ee CXDS.

Taliye Cabdiraxmaan Nishow, oo wareysi siiyay Shabelle TV, ayaa sheegay in ciidamo ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed ay weerar ku qaadeen hoygiisa. “Ciidamada Maamulka KGS ayaa gurigayga soo weeraray, xabaduna way igu socotaa,” ayuu yiri.

Dhanka kale, saraakiisha amniga ee Koonfur Galbeed ayaa sheegay inay wadaan howlgal ay ku tilmaameen mid sifeyn ah, kaas oo lagu beegsanayo maleeshiyaad hubeysan oo ay ku eedeeyeen inay qalqal gelinayaan amniga magaalada. Sarkaal ka tirsan laamaha amniga oo codsaday in aan magaciisa la shaacin ayaa sheegay in howlgalka la sii wadi doono ilaa hubka laga dhigo kooxaha hubeysan, lana soo celiyo amniga.

Ilo kala duwan ayaa xaqiijiyay in dagaalka uu salka ku hayo muran la xiriira dhul ku yaalla aagga xoolaha ee magaalada Baydhabo, murankaas oo markii dambe isu beddelay xiisad amni iyo mid siyaasadeed. Wasiirka Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Xuseen Maxamed (Eelay), ayaa sheegay in gurigiisa la weeraray, isagoo mas’uuliyadda ku eedeeyay hoggaanka Koonfur Galbeed.

Waxaa jira khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray dhinacyada dagaallamaya, inkastoo aan weli si rasmi ah loo xaqiijin tirada rasmiga ah ee khasaaraha. Sidoo kale, ganacsiga magaalada ayaa hakad galay, iyadoo dad badan oo rayid ah ay ka barakaceen xaafadaha ay rasaastu ka dhacayso.

Illaa hadda, ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku saabsan dagaalkan, xilli xiisaddu kusoo aadayso jawi siyaasadeed oo cakiran, islamarkaana uu jiro khilaaf u dhexeeya hoggaanka Koonfur Galbeed iyo dowladda dhexe, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka iyo dib-u-habaynta dastuurka.

RELATED ARTICLES

Most Popular