Warar isa soo tarayo ayaa sheegaya in goordhow dagaal lagu dilay Abwaan Nageeye Cali Khliif oo dhowaan uun ku biiray kooxda Al-Shabaab.
Wararkan ayaa imaanaya iyadoo xubno ka tirsan Ururka Al-shabaab oo la sheegay inuu ka mid ahaa Abwaan Nageeye Cali Khaliif ay saaka ka qeyb qaateen weerar lagu qaaday degmada Alkowsar ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Nageeye oo horay uga tagay Muqdisho ayaa ugu dambeyn la sheegay in isla goobtaas lagu dilay.
Si kastaba ha ahaatee Akhbar Media uma aysan suurta galin in ay si madax-bannaan ay u xaqiijiso warkan.
Dhinaca kale dagaalka oo cuslaa ayaa lasoo wariyay inuu soo gaaray illaa duhurnimadii maanta, wuxuuna u dhexeeyay Al-Shabaab iyo ciidanka dowladda oo isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, sida ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah.
Wararka ayaa intaasi kusii daraya in xubno badan laga dilay Al-Shabaab, waxaana baraha bulshada lagu baahiyay sawirrada maydad la sheegay inay ka carareen.
Xaaladda Alkowsar ayaa weli kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo ciidan laga dareemayaa qaybo badan oo ka mid ah gobolka Shabeellaha Dhexe, oo ay ka socdaan howlgallo culus. Deegaannada Hirshabeelle ayaa haatan ka curtay kacdoon cusub oo looga hortegayo soo laba kacleynta Al-Shabaab, oo dooneysa inay dib u qabsato gobolkaasi.