Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay shir deg deg ah, ayaa ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Amniga Gudaha ee Agaasimaha Hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka in uu noqdo Mahad Maxamed Salaad.
“Agaasimaha Hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Mudane Mahad Maxamed Salaad, ayaa aqoon iyo khibrad u leh howlaha Sirdoonka iyo nabad-sugidda Qaranka, isaga oo hore u soo qabtay xilal kala duwan oo ay kamid yihiin, Wasiir, Xildhibaan, iyo Agaasimaha Hey’adda NISA,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska Raiisul Wasaaraha Somalia Hamza Abdi Barre.
Dhanka kale, Golaha ayaa uga mahadceliyey Agaasimihii hore ee hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Cabdullaahi Maxamed Cali muddadii uu xilka hayey shaqadii uu Qaranka u soo qabtay.
Mahad Salad ayaa xilkan horay u soo qabtay intii u dhaxeysay bartimihii 2022 oo aheyd markii Madaxweyne Hassan Sheikh dib loo doortay ilaa bishii 4-aad ee April ee sanadkii la soo dhaafay ee 2024.
Mahad Salad waxaa uu saddax jeer oo isku xigta soo noqday XIldhibaan ka tirsan Golaha Shacabka iyadoo sadaxdaas jeerba ay isku dhinac ahaayeen Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud.
