Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah uga hadashay xiisadda siyaasadeed ee ka taagan Koonfur Galbeed, iyadoo si kulul u cambaareysay go’aanka maamulkaas uu ku hakiyay wada-shaqeyntii kala dhaxeysay dowladda dhexe.
War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ayaa lagu sheegay in dowladda federaalku si dhow ula socoto xaaladaha ka soo cusboonaaday deegaannada Koonfur Galbeed, isla markaana ay ka walaacsan tahay caqabado siyaasadeed iyo kuwo amni oo ka jira halkaas.
Dowladda ayaa sheegtay in aysan wax lug ah ku lahayn xasillooni darrada laga soo sheegayo deegaannada qaar ee maamulkaas, iyadoo carrabka ku adkeysay inay ka shaqeyneyso joojinta colaadaha iyo in khilaafaadka lagu xalliyo wadahadal si loo ilaaliyo guulihii laga gaaray la dagaallanka argagixisada.
Sidoo kale, DFS ayaa bogaadisay doorka ay shacabka iyo maamulka Koonfur Galbeed ku leeyihiin ilaalinta midnimada dalka iyo dowladnimada, iyagoo door muuqda ka qaatay dib u eegista dastuurka iyo geeddi-socodka dimuqraadiyeynta.
War-saxaafadeedka ayaa si cad u cambaareeyay go’aanka Koonfur Galbeed ee lagu hakiyay wada-shaqeynta, iyadoo dowladda federaalka ay sheegtay in hay’adaha dowladdu ay weli gudanayaan waajibaadkooda dastuuriga ah ee ku aaddan shacabka ku nool deegaannadaas.
Ugu dambeyn, dowladda federaalka ayaa ugu baaqday maamulka Koonfur Galbeed, siyaasiyiinta, iyo bulshada inay ka fogaadaan wax kasta oo hurin kara colaado hor leh, isla markaana ay doortaan wadahadal iyo is-afgarad si loo xoojiyo nabadda iyo xasilloonida.

