Boorama, Awdal — Habeenkii Khamiista ilaa aroortii Jimcaha maanta, magaalada Boorama waxaa ka dhacay dibadbaxyo rabshado wata oo ka dhashay go’aanka dowladda Somaliland ay ku oggolaatay in la qabto munaasabadda soo bandhigista buugga Xeer Ciise, oo dhawaan lagu daray dhaxalka dhaqanka ee UNESCO.
Waa maxay buugga xeer ciise?
Buugga Xeer Ciise waxa uu ururinayaa nidaamkii dhaqameed ee bulshada Issa, oo ay ku jiraan sharciyo, habraacyo bulsho, xeerar guur iyo ciqaab, iyo habka xallinta khilaafaadka ee beesha. Nidaamkan oo taariikhi ah ayaa u taagnaa ilaalinta hiddaha, isku-duubnaanta bulshada, iyo nidaamka cadaaladda dhaqanka. Muranka ka dhashay ayaa sabab u ahaa in qaar ka mid ah dadka deegaanka ay u arkeen in bandhigga iyo xuska buugga uu dhinac beeleed u muuqdo, islamarkaana lagu dayacay xuquuqda beelaha kale, taasoo keentay caro iyo dibadbaxyo rabshado wata.
Go’aanka dawladda Somaliland ku fasaxday soo bandhigista buuggan ayaa si weyn uga careysiiyey qayb ka mid ah bulshada deegaanka. Dibadbaxayaal isugu jira dhalinyaro iyo haween ayaa waddooyinka xirtay, taayirro gubay, sidoo kalena burbur u geystay hanti dowladeed iyo mid gaar loo leeyahay, taasoo keentay in magaalada muddo kooban xaaladdeedu kacsanaato.
Iska horimaad ayaa dhacay markii ciidamada booliska ay isku dayeen inay kala eryaan dibadbaxayaasha. Wararka ka imanaya isbitaalka Boorama waxay tilmaamayaan in ugu yaraan labo qof ay ku geeriyoodeen rabshadahaas, halka tiro kale oo dhaawacyo culus qaba la dhigay isbitaalka.
Taliyaha booliska gobolka ayaa ugu baaqay shacabka inay dejiyaan xiisadda, isaga oo digniin ka bixiyay in laga fogaado burburinta hantida guud iyo midda gaarka loo leeyahay. Waxa uu intaa ku daray in tallaabo sharciyadeed laga qaadi doono cid kasta oo lagu helo falal rabshado wata.
Dhinaca kale, qaar ka mid ah odayaasha iyo waxgaradka deegaanka ayaa sheegay in xukuumaddu ay ku degdegtay go’aanka la xiriira bandhigga buugga Xeer Ciise, iyagoo ku baaqay in la furo wadahadal bulshada dhexdeeda ah si looga hortago rabshado kale iyo kala qaybsanaan bulsho.

