Warsaxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Warfaafinta ee Dowlada Fedraalka ah ee Soomaaliya ayaa shaaca looga qaaday in Dowladda Federaalka iyo Dowladda Mareykanka oo iska kaashadey ay qaadeen hawlgal lagu laayey xubno badan oo Al Shabab ka tirsan oo kabaxsanaayay dagaalkii ka dhacay Shabeellaha Dhexe.
Duqeynta oo ay fuliyeen taliska Mareykanka ee Africa ee loo yaqaano US AFRICOM oo kaashanaya Ciidanka Qaranka ayaa lala beegsaday firxadka maaleeshiyaadkii iyo horjoogayaashii Al shabab ee lagu jabiyay dagaalkii ay la galeen Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ee macawiisleeyda loo yaqaano.
“Ciidanka Qaranka Soomaaliya iyo Howgalka Militariga Mareykanka ee Afrika ( AFRICOM ) oo iskaashanaya ayaa fuliyay howlgal duqeyn ah oo lagu naafeeyay cadowga argagixisada ah ee ku hungoobay, laguna jabiyay weerar ay ku qaadeen magaalada Alkowsar ee gobolka Shabeelaha Dhexe ee dowlad goboleedka Hirshabelle,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.
Wasaaradda waxa ay sheegtay in wali ay socota qiimeynta khasaaraha gaaray Al shabaab oo aad loogu naafeeyay dagaalkii shalay, waxaana ay balan qaaday in dadweynaha Soomaaliyeed lala socodsiin doono hadba wixii ka soo kordha xogta dagaalka.
War-saxaafadeedka gabagabadiisi ayaa waxaa lagu xaqiijiyay in Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaysa saaxiibada caalamka sida Howlgalka AFRICOM ee Mareykanka ay ka go’an tahay xoojinta iskaashiga lagu ciribtirayo “kooxaha argagexisada ah oo cadow ku ah ummadda Soomaaliyeed iyo caalamka intiisa kale.”
