Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Khamiis ah ka guddoontay Midowga Afrika gaadiidka gaashaaman ee dagaalka iyo agab ciidan.
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in gaadiidkaan uu muhiim u yahay xoojinta dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, sugidda amniga iyo xasilloonida Gobolka oo door muuqda ay ku leeyihiin Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed.
Safiirka Soomaaliya ee Itoobiya, ahna Ergeyga Joogtada ee Midowga Afrika, Danjire Cabdullaahi Maxamed Warfaa, ayaa gaadiidkaan iyo agabkaan magaalada Douala ee Dalka Cameroon uga guddoomay koox ka socotay saldhig qaaradeedka saadka ee Midowga Afrika ee magaceeda loo soo gaabiyo (CLB).
“Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay mahadnaq iyo bogaadin u diraysaa Midowga Afrika oo la garab taagan taageero joogto ah,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay dowladda.
Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegtay in tallaabadaan ay xoojinayso amniga gobolka, la dagaalanka argagaxisada iyo xaqiijinta hiigsi-wadaagga loogu saldhigayo xasillooni waarta oo ka taabagasha guud ahaan Qaaradda Afrika.
Gaadiidkaan muhiimka ah ee Midowga Afrika uu siiyey Soomaaliya ayaa ku soo aadaya, iyadoo dhowaan guddoomiyaha ururkaas loo doortay wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf oo ah nin aad Soomaalida u jecel.
Guddoomiyaha cusub ee Midowga Afrika Maxamed Cali Yuusuf ayaa safarkiisii ugu horeeyey markii la doortay kadib, wuxuu ku yimid Soomaaliya, isagoo madaxweyne Xasan Sheekh uga mahadceliyey taageeradiisii xiligii doorashada Midowga Afrika.
Soomaaliya ayaa si weyn ugu ololeysay in Maxamuud Cali Yuusuf oo Jabuuti kasoo jeeda uu ku guuleysto kursigaas, waxaana muuqata in guddoomiye Maxamuud uu aad ugu heelan yahay sidii Soomaaliya uu abaalkeeda ugu gudi lahaa.






