Saturday, March 7, 2026
spot_img
GurigaWararkaDowladda Soomaaliya oo faahfaahin ka bixisay howlgal amni oo ka dhacay Jilib

Dowladda Soomaaliya oo faahfaahin ka bixisay howlgal amni oo ka dhacay Jilib

Muqdisho — Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa shaacisay in hawlgal habeenimo oo si xeeladeysan loo qorsheeyay lagu fuliyay agagaarka degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe, kaas oo lagu dilay 15 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, halka siddeed kale nolol lagu qabtay.

Bayaan rasmi ah oo ka soo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in hawlgalka ay fuliyeen Ciidamada Kumaandooska Danab, islamarkaana uu qayb ka yahay dadaallada amni ee joogtada ah ee lagu wiiqayo awoodda kooxda. Hawlgalka ayaa si gaar ah u beegsaday goobo ay ku sugnaayeen dagaallamayaal ka tirsan Al-Shabaab, waxaana la fuliyay xilli habeen ah.

Wasaaraddu waxay xustay in hawlgalkan uu muujinayo kororka awoodda hawlgal ee Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan adeegsiga gaadiidka cirka, taas oo sahashay in si degdeg ah loo gaaro bartilmaameedyo kala duwan. Sidoo kale waxaa la bogaadiyay feejignaanta, xirfadda iyo kartida ay muujiyeen ciidamadii ka qayb qaatay hawlgalka.

Howlgalkan ayaa imanaya xilli dowladda Federaalka Soomaaliya ay dardar-gelinayso hawlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gobollada dhexe iyo kuwa koonfureed, iyada oo ujeeddadu tahay in la wiiqo awoodda kooxda lana xaqiijiyo amni iyo xasillooni waarta.

Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa mar kale adkaysay ballanqaadka dowladda ee ah in hawlgallada militari iyo kuwa amni ay sii socon doonaan ilaa si buuxda looga ciribtirayo Al-Shabaab, lana sugo amniga guud ee dalka.

RELATED ARTICLES

Most Popular