Saturday, March 7, 2026
spot_img
GurigaWararkaErdogan oo Amiirka Sacuudiga kala hadlay xaaladda Soomaaliya

Erdogan oo Amiirka Sacuudiga kala hadlay xaaladda Soomaaliya

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa wadahadal dhanka taleefanka ah la yeeshay Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga Maxamed bin Salmaan, iyagoo si gaar ah diiradda u saaray xaaladda Soomaaliya iyo baahida loo qabo ilaalinta midnimadeeda iyo xasilloonideeda.

Bayaan ka soo baxay Agaasinka Isgaarsiinta ee Madaxtooyada Turkiga ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Erdogan uu hoosta ka xarriiqay in Turkigu si dhow ula socdo horumarrada ka socda Soomaaliya, isaga oo carrabka ku adkeeyay in wadajirka dhuleed iyo xasilloonida dalka ay muhiim u yihiin amniga guud ee gobolka Geeska Afrika.

Erdogan ayaa sidoo kale xaqiijiyay in Ankara ay sii wadi doonto taageerada ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga, dib-u-dhiska hay’adaha dowladda iyo dadaallada lagu xaqiijinayo xasillooni siyaasadeed oo waarta. Wuxuu intaas ku daray in Turkigu diyaar u yahay inuu kaalin ka qaato dadaallada lagu xallinayo khilaafaadka ka taagan gobolka, oo ay ku jirto dhexdhexaadin dhinacyada is haya.

Dhankiisa, Amiir Maxamed bin Salmaan ayaa muujiyay mowqifka Boqortooyada Sacuudiga ee ah taageero buuxda oo ku aaddan madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Wuxuu tilmaamay in xasilloonida Soomaaliya ay saameyn togan ku leedahay guud ahaan gobolka, isla markaana Sacuudigu ka soo horjeedo tallaabo kasta oo dhaawici karta amniga iyo midnimada dalka.

Wadahadalkan ayaa imanaya xilli Turkiga iyo Sacuudigu ay si wadajir ah u muujiyeen diidmo ku aaddan tallaabada Israa’iil ee ay ku aqoonsatay Somaliland, iyagoo mar kale adkeeyay in Soomaaliya tahay hal dal oo mid ah. Dhaqdhaqaaqan diblomaasiyadeed ayaa muujinaya isku-duwid sii kordheysa oo u dhaxeysa Ankara iyo Riyaad oo ku aaddan taageerada xasilloonida iyo midnimada Soomaaliya.

RELATED ARTICLES

Most Popular