NEW YORK — Ergada Dowladda Federaalka Soomaaliya u fadhida Qaramada Midoobay ayaa munaasabad casho sharaf ah u qabatay danjireyaasha iyo diblomaasiyiinta ka howlgala xarunta QM ee magaalada New York, munaasabad lagu soo xirayay muddadii bisha ahayd ee Soomaaliya ay hoggaamineysay Golaha Ammaanka.
Danjiraha Soomaaliya u fadhiya QM, Abuukar Daahir Cusman (Baalle), oo erayo kooban ka jeediyay munaasabadda, ayaa sheegay in ay sharaf weyn u tahay Soomaaliya in ay mar kale hoggaamiso Golaha Ammaanka 54 sano kaddib. Wuxuu arrintan ku tilmaamay astaan muujinaysa soo kabashada dalka, horumarkiisa iyo dib u hanashada kaalintiisii caalamiga ahayd.
Danjire Baalle ayaa xusay in hoggaaminta Soomaaliya ee Golaha Ammaanka ay saldhig u tahay xoojinta sarreynta sharciga, ilaalinta xeerarka caalamiga ah iyo kobcinta iskaashiga caalamiga ah, xilli dunidu wajahayso xasarado sii kordhaya iyo ku takri-fal ka dhan ah shuruucda caalamiga ah.
Sidoo kale, wuxuu carrabka ku adkeeyay in bulshada Soomaaliyeed ay ku suntan yihiin han sare, hal-abuur iyo howlkarnimo, isla markaana ay caqabadaha, xadgudubyada iyo marin-habaabinta uga jawaabaan midnimo, kalsooni iyo waxqabad joogto ah.
Munaasabadda casho sharafta ah ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galay fannaaniin Soomaaliyeed oo halkaas ku soo bandhigay heeso iyo ciyaaro dhaqameedyo kala duwan, kuwaas oo muujiyay hodantinimada hiddaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed, isla markaana si weyn u soo jiitay marti sharaftii ka qeyb ga

