Afhayeen u hadashay Eric Trump ayaa beenisay warar lagu faafiyay baraha bulshada iyo warbaahinta qaarkeed oo sheegayay in Eric Trump uu kulan rasmi ah la yeeshay Madaxweynaha maamulka Gobollada Waqooyi Galbeed ee Soomaaliya, Cabdiraxmaan Cirro, intii lagu guda jiray munaasabad casho oo ka dhacday magaalada Davos ee dalka Switzerland.
Kimberly Benza, oo ah afhayeenka Eric Trump, ayaa bayaan ay siisay Reuters ku sheegtay in aanu jirin kulan gaar ah ama wada-hadal rasmi ah oo dhexmaray Eric Trump iyo Cabdiraxmaan Cirro. Waxay carrabka ku adkeysay in kulanka uu ahaa mid casho ah oo ay ka soo wada qaybgaleen marti kala duwan, isla markaana aan lagu falanqeyn arrimo siyaasadeed ama dhaqaale.
“Ma jirin kulan dhexmaray Eric Trump iyo Cabdiraxmaan Cirro, mana aysan ka wada hadlin siyaasad ama ganacsi. Waxa kaliya ee dhacay waxay ahayd salaam guud oo xushmad ku dhisan,” ayay tiri Benza. Waxay sidoo kale sheegtay in Eric Trump uusan wax jawaab ah ka bixin khudbad kooban oo uu Cirro ka jeediyay munaasabadda.
Reuters ayaa werisay in munaasabadda cashada ay ka soo qaybgaleen marti caalami ah, oo uu ku jiray Madaxweynaha Israa’iil, isla markaana Eric Trump uu halkaas ku sugnaa sida martida kale. Sawirro laga qaaday munaasabadda ayaa muujinayay Eric Trump iyo Cabdiraxmaan Cirro oo is salaamaya, taas oo dhalisay fasiraado kala duwan.
Markii Reuters wax ka weydiisay Cabdiraxmaan Cirro wixii ay ka wada hadleen Eric Trump iyo Madaxweynaha Israa’iil, waxa uu hadalkiisa ku koobay, “Shirka wuu wanaagsan yahay, aad buu u wanaagsan yahay.”
Wararka la beeniyay ayaa imanaya xilli sawirrada munaasabadda si weyn loogu faafiyay baraha bulshada, iyadoo afhayeenka Eric Trump ay caddeysay in aanay jirin wax kulan rasmi ah ama wada-hadal ku saabsan dekedo, ganacsi ama arrimo siyaasadeed.

