Monday, April 28, 2025
spot_img
GurigaWararkaFaaffaahinta weerar qaraxyo ku bilowday Al-Shabaab oo kula wareegeen Masaajid Cali Gaduud

Faaffaahinta weerar qaraxyo ku bilowday Al-Shabaab oo kula wareegeen Masaajid Cali Gaduud

Weerarkan ayaa kusoo aadayo, xilli haatan madaxweyne Xasan Sheekh uu ku sugan yahay aagga Cadale, halkaas oo uu ka hogaaminayo dagaalka ka socda gobolka Shabeelaha Dhexe, si loo dardar-geliyo gulufka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar xooggan oo qaraxyo ku billowday oo ay saaka Al-Shabaab ku qaadeen deegaanka Masaajid Cali Gaduud ee gobolka Shabeelaha Dhexe, iyaga oo dagaal kadib gudaha u galay deegaankaasi oo ay horay ugu sugnaayeen ciidanka dowladda iyo kuwa Macawiisleyda.

Xoogaga Al-Shabaab ayaa gaadiid qaraxyo laga soo buuxiyay ku beegsaday saldhigyo ciidamada ay ku lahaayeen halkaas, waxayna ka weerareen dhowr jiho, ayada oo kadib sidaas uu ku qarxay dagaal foolka fool ah oo u dhexeeyay labada dhinac.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in weerarka qaraxyada iyo dagaalka xigay ay ka dhasheen khasaare xooggan oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac, balse aan weli la caddeyn karin inta uu gaarsiisan yahay.

Sidoo kale waxaa lasoo wariyay in Al-Shabaab ay si buuxda ula wareegeen deegaanka, kadib markii ay ka baxeen ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ee saaka lagu weeraray deegaankaasi oo maalmihii lasoo dhaafay uu ka socday abaabul xooggan.

Weerarkan ayaa kusoo aadayo, xilli haatan madaxweyne Xasan Sheekh uu ku sugan yahay aagga Cadale, halkaas oo uu ka hogaaminayo dagaalka ka socda gobolka Shabeelaha Dhexe, si loo dardar-geliyo gulufka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa inta badan weerar gaadmo ah oo xilli hore oo subaxnimada ku qaada saldhigyada ciidamada dowladda, illaa haddana waxaa muuqata in aan wax laga baran weerarada isku xilliga dhaca ee kooxda ku bartilmaameedsato ciidanka dowladda.

Si kastaba, Labada Shabeelle ayaa waxaa haatan ka socda howlgallo culus oo ka dhan ah maleeshiyaadka Al-Shabaab, kadib markii ay culeys soo saareen deegaannadii horay looga qabsaday ee gobolladaasi oo daris la ah magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.

RELATED ARTICLES

Most Popular