MUQDISHO, 20 Febraayo 2026 – Qarax xooggan ayaa saaka aroortii hore ka dhacay degmada Shibis ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan nawaaxiga xarunta Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka, NISA, sida ay xaqiijiyeen ilo kala duwan oo amni.
Qaraxa oo jugtiisa laga maqlay qaybo ka mid ah caasimadda ayaa la sheegay inuu ka yimid gaari la shaaciyay inuu leeyahay sarkaal ka tirsan Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed. Gaariga ayaa loo badinayaa in lagu xiray walxaha qarxa xilli uu yaallay aagga.
Wararka hordhaca ah waxay sheegayaan in gaariga uu lahaa Gaashaanle Sare Cabdirisaaq Afgaduud, oo ka tirsan hoggaanka caafimaadka ee Ciidanka Booliiska, isla markaana ah Taliyaha Caafimaadka Isbitaalka Madiino ee Booliska. Ilo xog-ogaal ah ayaa tilmaamay in uusan sarkaalku saarneyn gaariga xilliga qaraxu dhacay, maadaama uu salaad ku maqnaa.
Qaraxa ayaa ka dhacay xarunta gaadiidka Booliska oo deris la ah taliska NISA. Ilaa hadda lama shaacin khasaare rasmi ah oo ka dhashay qaraxa, mana jirto cid si rasmi ah u sheegatay mas’uuliyadda falkaas.
Ciidamada ammaanka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa gaaray goobta, iyagoo bilaabay baaritaanno ku aaddan sida uu qaraxu u dhacay iyo cidda ka dambeysa. Ammaanka aagga ayaa sidoo kale si weyn loo adkeeyay.
Hay’adaha ammaanka ayaa la filayaa inay saacadaha soo socda ka bixiyaan faahfaahin dheeraad ah, iyadoo qaraxan uu kusoo beegmay xilli ammaanka Muqdisho si gaar ah loo sugayo.

