Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar qaraxyo ku billowday oo ay saaka Al-Shabaab ku qaadeen saldhigyo ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ay ku leeyihiin gudaha degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana xigay dagaal culus oo toos ah.
Maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa lasoo warinayaa inay saddex jiho ah ka weerareen degmada, waxaana kadib sidaas ku qarxay dagaal foolka fool ah oo u dhexeeyay labada dhinac.
Ilo dadka deegaanka ah ayaa inoo sheegay in weerarka qaraxyada ah iyo dagaalka ay ka dhasheen khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac, balse aan weli la caddeyn karin inta uu gaarsiisan yahay.
Dagaal u dhexeeyay ragga weerarka qaaday iyo ciidamada dowladda ayaa weli ka socda halkaasi, wuxuuna kusii fiday qaybo horleh oo kamid ah degmada Aadan Yabaal.
Wararka ayaa sheegaya in Al-Shabaab weerarkooda uu xoogan yahay, ayaga oo si kasta iskuugu dayayo inay cagta mariyaan saldhigyada ciidamada ee ku yaalla halkaasi, si ay kadib ula wareegaan, waxaase soconyo iska caabin ay wadaan ciidamada huwanta.
Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay dowladda Soomaaliya, maadaama uu weli socda dagaalka ay Al-Shabaab kusoo qaadeen halkaasi.
Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo laga dareemayaa aagga degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana labada dhinac ay helayaan gurmadyo, taas oo uga sii dareyso dagaalka ka socda halkaasi.