Faah-faahinno kala duwan ayaa kasoo baxaya tiro hoobiyeyaal ah oo saaka kusoo dhacay xaafado ka tirsan gudaha magaalada Muqdisho ee caasimada dalka, kuwaas oo gaystay khasaarooyin isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.
Hoobiyeyaasha oo lasoo tuuray aroortii hore ee saaka ayaa ku kala dhacay xaafado kamid ah degmooyinka Xamarweyne, Xamarjajab iyo Waabari ee gobolka Banaadir.
Wararka ayaa sheegaya in hoobiyeyaasha qaarkood ay ku dhaceen guryo ay dagan yihiin dad shacab ah, kuwa kale ay ku hoobteen goobo banaan ah.
Ilo wareedyo xilkas ah ayaa innoo sheegay inuu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo soo gaaray dad shacab ah kadib markii ay madaafiicda ugu tageen xaafadahooda, dhimashada ayaa lagu sheegay hal qof, dhaawacana mid kale, oo dad shacab ah.
Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka dowladda federaalka oo ku aadan weerarka hoobiyeyaasha ah ee saaka ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.
Dhowaan ayay ahayd markii sidaan oo kale tiro hoobiyeyaal ah loogu garaacay nawaaxiga Madaxtooyada, iyada oo mid kamid a uu ku dhacay xarunta Tiyaatarka Qaranka, waxaana ku dhaawacmay qof kamid ah howldeennada Tiyaatarka.
Marar badan kooxda Al-Shabaab ayaa sidaan oo kale hoobiyeyaal ugu garaacday caasimada, waxaana lagu bartilmaameedsaday madaxtooyada iyo xerada Xalane.