Agaasimihii hore ee Hay’adda NISA Fahad Yaasiin ayaa soo saaray qoraal uu cinwaan uga dhigay “SHIRQOOLKII CIIDAMADA XOOGGA DALKA” isagoo si cad u sheegay in seddaxdii sano ee lasoo dhaafay ay shirqool aad u xun wajahayeen Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Fahad Yaasiin ayaa sheegay in labo qof oo masuuliyiinta ugu sareysa looga dhigay wasaaradda gaashaandhigga ay fulinayeen shirqooladaas oo dowlad shisheeye ay soo maleegtay, loona wakiishay iyaga inay ciidanka ku baabi’iyaan, sida uu qoraalkiisa u dhigay.
Inkastoo Fahad uusan qoraalkiisa ku xusin magacyada xubnaha uu ku eedeeyey shirqoolka ciidanka iyo fulinta ajandaha shisheeye iyo dowladda ka shaqeyneysa burburinta ciidanka Soomaaliya, hadana wuxuu bixiyey tilmaan lagu fahmi karo masuuliyiintaas.
Wasiirkii gaashaandhigga oo laba maalmood ka hor xilka wareejiyey iyo taliyihii hore ee xoogga oo mar xilka kala wareegay Jeneraal Odowaa, markii dambena dib ugu wareejiyey iyo dowladda Imaaraadka Carabta ayaa laga fahmi karaa qoraalka Fahad inay fulinayeen shirqoolka uu sheegay.
Hoos ka akhriso qoraalka Fahad Yaasiin:
Ciidanka Xoogga Dalka, saddexdii sano ee u dambaysay, waxay u gacan galeen shirqool uu dal carbeed soo maleegay, ayna fuliye ka noqdeen laba qof oo si toos ah xilal uga soo qabtay xafiisyo awood u siinaya iney hirgaliyaan qorshaha shisheeyaha, waxayna adeegsadeen habab arxan darro ah.
Taariikhda Ciidanka Xoogga Dalka intii ay jireen, dhibaatada ay u geysteen ciidanka qaranka labadaas qof, waligeed mid lamid ah ma soo marin.
Shacabka Soomaaliyeed waxay mudan yihiin iney helaan sharraxaad qeexaysa nooca shirqool ee loo dhigay Ciidanka Xoogga.
Labadaas, mid kamid ah wuxuuba ahaa laba kaarle, oo hal qorshe ayuu ugu adeegayey shisheeye iyo Shabaab oo isku ajande ah, balse kala hadaf ah.
Midkood, shisheeyuhu waxay ku guuleesteen iney xilka Wasaaradda u dhiibaan xiligii Madaxweynihii hore, waxayse ku fashilmeen fulinta shirqoolkoodii, Taliskii CXD ee waqtigaas ayaana ahaa kuwa feejigan.
Nasiib darro, isla Wasaaraddii ayaa lagu soo celiyey, si uu u fuliyo qorshihii. Midka kalena, xilka ugu sarreeya Xoogga Dalka ayuu qabtay, oo Madaxweynaha jooga ayaa u dhiibay.