Saturday, March 7, 2026
spot_img
GurigaWararkaFadhigii wadajirka ahaa ee Baarlamaanka Federaalka oo ku dhammaaday buuq iyo gacan-ka-hadal

Fadhigii wadajirka ahaa ee Baarlamaanka Federaalka oo ku dhammaaday buuq iyo gacan-ka-hadal

Muqdisho – Fadhigii wadajirka ahaa ee labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, oo maanta ka dhacay xarunta Villa Hargeysa ee Muqdisho, ayaa ku soo dhammaaday buuq, fowdo iyo is-mariwaa xooggan, kadib markii xildhibaano mucaarad ah ay si adag uga hor yimaadeen ajandaha wax-ka-beddelka Dastuurka KMG ah.

Kulanka ayaa la qorsheeyay in looga doodo wax-ka-beddelka cutubyada 5-aad illaa 9-aad ee Dastuurka, balse Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa ku guuldareystay inuu si rasmi ah u furo fadhiga, kaddib markii xildhibaano diidan ajandaha ay kiciyeen sawaxan xooggan oo carqaladeeyay kulanka.

Intii uu buuqu socday, xildhibaano ka kala tirsanaa mucaaradka iyo muxaafadka ayaa isku dhacay, waxaana goobta ka dhacay gacan-ka-hadal toos ah. Kaamirada ayaa qabatay Wasiirka Amniga Gudaha, Senatar Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, iyo Xildhibaan Xasan Firinbi oo is gacan qaadaya gudaha hoolka Baarlamaanka.

Xildhibaano mucaarad ah ayaa sidoo kale jeex-jeexay warqadihii ajandaha kulanka, iyagoo ku andacoonaya in wax-ka-beddelka Dastuurka uu yahay mid aan sharci ahayn, isla markaana lagu doonayo muddo-kororsi iyo awood-uruursi, sida ay sheegeen. Waxay Madaxtooyada iyo Guddoonka Baarlamaanka ku eedeeyeen isku day ay ku doonayaan in ay meel mariyaan isbeddello aan haysan taageerada Baarlamaanka iyo tan shacabka.

Guddoonka Baarlamaanka ayaa ugu dambeyn ka baxay hoolka, kaddib markii uu xakameyn waayay xaaladda, waxaana kulankii si rasmi ah u baaqday. Guddoomiyaha ayaa ku hanjabay in tallaabooyin adag laga qaadi doono xildhibaanada carqaladeeyay fadhiga, inkastoo aan weli la shaacin nooca tallaabooyinkaasi ay noqon doonaan.

Dhanka kale, xildhibaano ka mid ah kuwa diidan ajandaha ayaa ku dooday in kalfadhiga Baarlamaanka uu gabaabsi yahay, ayna xeer-hoosaadka Golaha ka mamnuuc tahay in sharciyo cusub la keeno marxaladdan.

Fadhigan buuqa ku dhammaaday ayaa kusoo beegmaya xilli la filayo in horraanta bisha soo socota ay Muqdisho ka furmaan wada-hadallo u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, kuwaas oo diiradda lagu saari doono khilaafaadka siyaasadeed, hanaanka doorashooyinka iyo dib-u-eegista Dastuurka.

RELATED ARTICLES

Most Popular