Guddiga Madaxa-banaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha Qaranka Cabdikariim Axmad Xassan ayaa maanta oo ku beegan 15-ka April waxaa ay Magaalada Muqdisho ka bilaawayaan diiwaan galinta codbixiyeyaasha si shacabka ay u qaataan kaarka codeynta.
Gudoomiyaha Guddiga Cabdikariim Axmad Xassan oo laba maalmood ka hor ka hadlay munaasabadda daahfurka ololaha qaran ee diiwan gelinta codbixiyeyaasha ayaa sheegay in diiwan galinta laga bilaawi doono Gobolka Banadir si ay shacabka soomaaliyeed ay uga qeyb qaataan doorashada Golaha deegaanka ee la qaban doono 30-ka June ee sanadkan.
“Waxaa Sharaf noo ah in hal maalin ka dib oo ku began 15-ka bishaan April, ku dhawaad 60 sano ka dib, dadka Soomaaliyeed ee ku nool Gobolka Banadir in ay bilaawaan is-diiwan galinta si ay bisha June 30-keeda u sdoortaan Golahooda deegaanka,” Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka Cabdikariin Axmed Xasan.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Maxamed Axmed Amiir, ayaa sheegay in ololahaani uu yahay fursad dahabi ah oo dib loogu soo celinayo awoodda shacabka ee go’aan ka gaarista cidda ay hogaamiye u dooranayaan.
Hadaba Akhbar Media waxaa ay eegeysaa daacadnimadda Dowlada Federaalka ah marka laga hadlayo doorasho qof iyo cod ah iyo dhowr arimood oo is diidan haddane isku soo beegmay.
Arinta ugu horeyso ayaa ah in Guddiga Doorashooyinka iyo Soohdimaha uu ku dhawaaqo in diiwan galinta shacabka la bilaawayo halka Villa Somalia neh ay Madadxa Dalka ugu yeertay shir guud oo looga hadlayo midnimadda dalka.
Arimahan ayaa is diidayo maadaama qodobadda ay Maamul Goboleedyadda qaarkood iyo Mucaaraadka kaga hor imaadsan yihiin Dowlada Federaalka ay ka mid yihiin nooca doorasho ee dalka ee dalka laga qabanayo, qaabka loo qabanayo iyo hanaankii ay Dowlada Federaalku u soo dhistay Guddiga Doorashadda.
Waxyaabaha sidoo kale la isku hayo waxaa ka mid ah wax badalka Dowlada Federaalka ah ay ku sameysay qeybo ka mid ah Dastuurka ku meel gaarka ah ee Dalka iyadoo Mucaaradka iyo maamul goboleedyadda qaarkood ay diidan yihiin, iyo in haatan la dhaqan galiyo amaro ku fulayo qaar ka mid ah qodobadii la badalay, iyadoo dhanka kale dowlada ay sheegeyso inay midnimo raadineyso.
Siyaasiyiin codsaday inaan magacyadooda xusin ayaa shaki badan ka muujiyay sababta keentay in Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud uu Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ku casuumo SSC-Khatumo isla markaana uu shirka ka reebo Axmad Madoobe oo ah Madaxweynaha Juballand. Siyasiyiintan ayaa sheegay inay aaminsan yihiin in Madaxweynaha uusan raadineynin midnimo ee uu raadinyo codad dheeraad ah oo shirka ku soo biro si loogu arko shirka inuu yahay mid loo dhan yahay. Waxaa xasuus mudan sidoo kale in Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Dani ay suurtagal tahay in shirkan uusan soo xaadirin.
Falanqeeyayaasha ayaa sidoo kale u arko talaabadda lagu bilaawayo diiwan galinta codbixiyeyaasha mid la doonayo in looga careysiiyo Madaxda Maamul Goboleedyadda iyo Siyaasiyiinta Mucaaradka ee ka soo horjeedo qorshaha Dowlada Federaalka, si shirkan uu u curyaamo, taasi neh ay fursad ugu noqoto Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud.
Falanqeeyayaasha siyaasadda ayaa qabo in diidmadaas iyo curyaaminta shirkaas la dib uu doonayo Madaxweyne Xassan Sheekh in uu bulshadda Soomaaliyeed ka iibiyo ra’yi ah in uu Madaxdii iskugu yeeray si dalka loo mideeyo balse shirkii aysan imaanin sidaas darteed neh ay caqabad ku yihiin hormarka dalka.
Isku soo wada duuduuboo, Madaxweyne Xassan Sheekh oo la xasuusto xiligii uu mucaaradka ahaa sidii uu u dhaliilay maamulkii isaga ka horeeyay ee Madaxweyne Farmaajo, ayaa haatan u muuqdo mid ka leexday dhamaan waxyaabihii uu u ololeenayay xiligaas, haatan neh train-kii qaranka ee uu waday ku hogaaminayo waddo isaga xitaa dhamaadkeeda uusan garaneynin.