Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa qoraal ka soo saaray geerida Jeneraal Sheegow Axmed Cali, oo xalay ku geeriyoodsy isbitaalka Digfeer, kadib muddo seddax sano ku dhow oo dowladda uu u xiraa.
Farmaajo oo farriin u diray Xasan Sheekh ayaa tacsi ku bilaabay qoraalkiisa, wuxuuna yiri, “Tacsida iyo murugada waxaan la qeybsanayaa qoyska, ehelada iyo Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed oo uu ka geeriyooday, Alle ha u naxariisto, Marxuum Sheegow Axmed Cali oo ka mid ahaa Saraakiisha Ciidamada Xoogga Dalka.”
Farmaajo ayaa Xasan ugu baaqay in cabashada qoyska Sheegow uu tixgeliyo, isla markaana la sameeyo baaritaan deg deg ah, si loo ogaado duruufaha sababay geerida Jeneraal Sheegow.
“Madaxweynaha Jamhuuriyada waxaan ugu baaqaynaa in uu tixgeliyo cabashada qoyska Sarkaalka geeriyooday iyo ehelada dhallinyarada maxaabiista ah ee wehelinaysay, sidoo kale waxaa muhiim ah in la sameeyo baaritaan deg deg ah oo ku saabsan duruufaha uu u geeriyooday Marxuumku.”
Farmaajo ayaa qoraalkiisa ku soo gabagabeeyey, “Alle waxaan uga baryayaa Sarkaalka in uu ku mannaysto Jannatu Firdowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa iyo qarankiisa.”
Ehelka Sheegow ayaa dowladda ku eedeeyey in dayac iyo daryeel xumo caafimaad uu u dhintay sarkaalkaan oo xabsi ciidan ku jiray ku dhawaad 3-dii sano ee lasoo dhaafay, balse war ka duwan kan qoyska ayaa xalay ka soo yeeray masuuliyiinta qoyska Sheegow ku metesha dowladda Soomaaliya.
Danjiraha Soomaaliya ee dalka Ruushka Maxamed Zubeyr oo kamid ah masuuliyiinta dowladda ku metesha qoyska Sheegow ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in geerida kahor ay wadeen dadaallo Jenanka loogu qaadayo caafimaad dalka dibadiisa ah.
“Waxaan si dhow maalmahaan ula socday xanuunka isa soo tarayay ee Janaraalka, kaasoo uga soo bilaabatay xabsiga dhexdiisa, kadibna la dhigay isbitaalka si loogu daaweeyo. Iyadoo qabanqaabo deg deg ah aan ugu jirno in dibadda caafimaad ahaan loogu qaado ayuu Ilaahey oofsaday. Runtii waa geeri kulul oo naxdin inteeda la eg leh balse qadarta Rabbi ayaa wax walba ka weyn,” ayuu yiri Danjire Zubeyr.