Sida ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ay ku waramayaan Guddoomiyaha Hay’adda SODMA Maxamud Macalin Cabdulle ayaa lagu eedeynayaa inuu ku kacay musuq maasuq xooggan, taasi oo sababtay in uu meesha ka baxo gar-gaarkii hay’adda uu hogaamiyo ee SODMA looga fadhiyay inay gaarsiiso bulshada Soomaaliyeed.
Dhammaan gurmadkii loogu tala galay dadka ay saameeyeen abaaraha, fatahaadaha iyo kuwa kunoolaa deegaanada argagixisada laga xoreeya ee ku kala yaala dowlad-goboleedyada dalka sida Hirshabelle iyo Galmudug, waxaa musuq maasuqay guddoomiyaha Hay’adda SODMA Maxamud Macalin Cabdulle sida xogta aan helnay ku cad.
Xogta ayaa intaasi ku dareysa in Guddoomiyaha Hay’adda SODMA Maxamud Macalin Cabdulle uu gar-gaarka Umadda Soomaaliyeed ee uu musuq-maasuqay uu ka sameystay ganacsi balaaran oo ku kala yaala gudaha dalka iyo daafaha caalamka. Waxaa uu sidoo kale ku eedeysan yahay in hnati ma guurto ah sida guryo tiro badan uu ka dhistay gargaarka dadka Soomaaliyeed loogu talagalay.
Falalkan musuq maasuqa ee uu sameeyay Guddoomiyaha Hay’adda SODMA Maxamud Macalin Cabdulle ayaa dhinaca kale sababay in meesha ay ka baxdo wada shaqeyntii u dhaxeysay Hay’adda SODMA iyo Wasaaradaha Gar-gaarka iyo Mareynta Musiibooyinka dowlad-goboleedyada dalka ka jira sida Hirshabelle iyo Galmudug.
Fashilka iyo fadeexadda musuq maasuq ee uu dhaxda kaga jiro guddoomiyaha Hay’adda SODMA Maxamud Macalin Cabdulle ayaa bannaanka timid kadib markii labo maalmood ka hor bulshada Degmada Moqokori iyo maamulka gobolka Hiiraan aay ka biyo diideen dhowr kartoon oo daawo ah in ay ka gudoomaan guddoomiyaha Hay’adda SODMA, kaasi oo bulshada gobolka Hiiraan iyo guud ahaan Hirshabelle ka musuq-maasuqay gar-gaarkii aay xaqa u layaaheen ee loogu tala galay.
Waxaa la rumeysan yahay inuu jiro musuq maasuuq intan ka sii xoog badan oo ka dhax jiro SODMA waxaana tan ay ceeb weyn ku noqon doontaa Dowlada Federaalka ah ee Somalia iyo Maxamud Macalin iyadoo ay tani keeni doonto in samafalayaasha taagero Somaaliya ay ka iimaan baxaan la macaamilka hey’ad musuq maasuqeyso gargaarkii dadkeeda loogu dhiibay.