Muqdisho — Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa si rasmi ah u aqbalay gogosha wada-hadalka siyaasadeed ee ay soo bandhigtay Dowladda Federaalka Soomaaliya, taas oo lagu wado in lagu qabto magaalada Muqdisho, xilli dalka uu wajahayo xaalado siyaasadeed, dastuur iyo amni oo xasaasi ah.
Warsaxaafadeed ka soo baxay Golaha ayaa lagu sheegay in go’aankan uu yimid kaddib wadatashi dheer, isla markaana ujeeddadiisu tahay ka hortagga firaaq dastuuri ah iyo helidda xal qaran oo loo dhan yahay oo badbaadiya dowladnimada, midnimada iyo wadajirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Goluhu wuxuu carrabka ku adkeeyay in wada-hadallada lagu diiradda saari doono arrimaha mudnaanta u leh dalka, gaar ahaan khilaafaadka ka taagan hannaanka doorashooyinka, xaaladda amniga guud, iyo caqabadaha dastuuriga ah ee jira. Waxa kale oo uu ku baaqay in gebi ahaanba la joojiyo wax-ka-beddel kasta oo lagu sameeyo Dastuurka Ku-Meel-Gaarka ah ee la ansixiyay sannadkii 2012, si wada-hadalku u noqdo mid ku saleysan is-afgarad iyo heshiis waara.
Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa ka digay in sii socoshada khilaafaadka siyaasadeed iyo dastuuriga ah ay halis gelin karto midnimada qaranka, isla markaana ay fursad siin karto kooxaha argagixisada ah sida Al-Shabaab iyo Daacish, iyo cid kasta oo dano lid ku ah Soomaaliya.
Sidoo kale, Goluhu wuxuu ku baaqay in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uu qaado tallaabooyin lagu xaqiijinayo in madasha wada-hadalku ku qabsoonto jawi kalsooni, is-aaminaad iyo niyad-sami ku dhisan, si loo gaaro natiijooyin miro dhal ah.
Golaha ayaa sheegay in Guddigiisa Farsamo, oo uu hoggaaminayo Xildhibaan Cabdullaahi Abuukar Xaaji (Cabdullaahi Carab), loo xilsaaray diyaarinta iyo dhammaan arrimaha farsamo ee la xiriira ka-qaybgalka shirka, iyadoo la rajeynayo in wada-hadalladu horseedi doonaan xasillooni siyaasadeed, wadajir qaran iyo hannaan dimuqraadi ah oo loo dhan yahay.

