Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa ka digay suurtagalnimada dib u dhac ama muddo kordhin ku timaada doorashooyinka dalka, iyagoo ku baaqay in si buuxda loo ixtiraamo jadwalka ku xusan Dastuurka Ku‑Meel‑Gaarka ah ee Soomaaliya 2012.
War-saxaafadeed uu goluhu soo saaray Isniintii, 9-ka Maarso 2026, ayaa lagu sheegay in ay si weyn uga walaacsan yihiin xaaladda siyaasadeed ee ka dhalan karta haddii doorashooyinka aan lagu qaban waqtigooda. Golaha ayaa xusay in muddada xilka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay ku eg tahay 14 Abriil 2026, halka muddada xilhaynta Xasan Sheekh Maxamuud ay dhammaaneyso 15 May 2026.
Goluhu wuxuu caddeeyay inay si buuxda uga soo horjeedaan isku day kasta oo lagu kordhinayo muddada xilka hay’adaha federaalka, maadaama arrintaasi ay ka hor imaan karto dastuurka isla markaana abuuri karto khilaaf siyaasadeed iyo mid amni.
War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale xusay in dalka horey uga soo maray muran la xiriiray dib u dhac doorashooyin, gaar ahaan dhacdooyinkii sanadkii 2021, kuwaas oo sababay xiisado siyaasadeed iyo qalalaase amni.
Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa ugu baaqay madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya, siyaasiyiinta iyo dhammaan dhinacyada ay khusayso inay ka fogaadaan tallaabo kasta oo keeni karta muran siyaasadeed ama dib u dhac ku yimaada doorashooyinka, isla markaana la ilaaliyo nidaamka dastuuriga ah ee dalka.
Sidoo kale goluhu wuxuu ku booriyay Dowlad‑goboleedyada Soomaaliya inay qabtaan doorashooyinkooda si waafaqsan dastuurka iyo nidaamka federaalka, si loo xoojiyo wada shaqeynta iyo kalsoonida u dhexeysa heerarka kala duwan ee dowladda.
Ugu dambeyn, Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed wuxuu carrabka ku adkeeyay in Soomaaliya ay ku jirto marxalad xasaasi ah oo u baahan hoggaan masuuliyad leh, dulqaad siyaasadeed iyo ixtiraam sharci, si looga fogaado khilaafyo cusub oo saameyn kara amniga, xasilloonida iyo mustaqbalka dowladnimada dalka.

