Muqdisho — Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulankoodii caadiga ahaa, oo qabsoomay Khamiistii, si aqlabiyad ah ugu ansixiyay magacaabidda Taliyaha cusub ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Jeneraal Ibraahim Maxamed Maxamuud, kaddib soo-jeedin ka timid Wasaaradda Gaashaandhigga.
Kulanka, oo uu shir-guddoomiyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sidoo kale lagu ansixiyay in xilka laga qaado Taliyihii hore ee Ciidanka Xoogga Dalka, Odowaa Yuusuf Raage, oo xilka hayay muddo 14 bilood ah. Odowaa Yuusuf Raage ayaa horey laba jeer u soo qabtay xilka Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka.
Golaha Wasiirrada ayaa xusay in Taliyaha cusub, Jeneraal Ibraahim Maxamed Maxamuud, uu leeyahay khibrad ciidan oo gaareysa 18 sano iyo aqoon waxbarasho oo heer jaamacadeed labaad ah, isla markaana lagu doortay baahida loo qabo dardargelinta howlgalada amniga iyo hoggaamin hufan oo ciidan.
Intii uu socday kulanka, Golaha Wasiirrada ayaa sidoo kale ka hadlay xaaladda amniga dalka iyo dadaallada dib-u-xoreynta deegaannada ay ku dhuumaaleysanayaan kooxaha Khawaarijta. Golaha ayaa bogaadiyay guulaha ay ciidamada qalab-sida ka gaareen dagaallada ka dhanka ah argagixisada, gaar ahaan howlgalkii ka dhacay deegaanka Jabad-Godane, halkaas oo lagu dilay in ka badan 550 horjooge, kuwaas oo 80 ka mid ah ay ahaayeen ajaanib.
Dhanka kale, Golaha Wasiirrada ayaa magacaabay guddi heer wasiir ah oo ka shaqeyn doona la-dagaallanka tahriibka, kuwaas oo ka kooban lix wasaaradood iyo Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka. Sidoo kale, Golaha ayaa ansixiyay Axdiga Dhisidda Hay’adaha Caalamiga ah ee Dhexdhexaadinta, iyo Xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta Gaadiidka Badda.
Ugu dambayn, Golaha Wasiirrada ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay sii wadidda wada-shaqeynta hay’adaha amniga iyo horumarinta awoodda Ciidanka Xoogga Dalka si loo xaqiijiyo amniga iyo xasilloonida dalka.

