Monday, April 28, 2025
spot_img
GurigaWararkaGuddiga doorashooyinka oo qabtay doorasho lagu buuxiyay Kursigii Saadaq Joon

Guddiga doorashooyinka oo qabtay doorasho lagu buuxiyay Kursigii Saadaq Joon

Xildhibaan Maxamed Cabdi Xasan (Afweyne) oo 12 sano ku xirnaa dalka Biljamka ayaa loo doortay inuu buuxiyo kursigan oo uu baneeyay Saadaq Cumar Xasan oo loo yaqaano Saadaq Joon.

Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha Qaranka ayaa maanta magaalada Dhuusamareeb ee Caasimaha Dowlad Goboleedka Galmudug ku qabtay doorashada kursiga Golaha Shacabka ee tirsigiisu yahay #HOP248.

Xildhibaan Maxamed Cabdi Xasan (Afweyne) oo 12 sano ku xirnaa dalka Biljamka ayaa loo doortay inuu buuxiyo kursigan oo uu baneeyay Saadaq Cumar Xasan oo loo yaqaano Saadaq Joon.

Saadaq Joon ayaa kursigiisii Xildhibaanimo ee Golaha Shacabka ee #Hop248 waxa uu ku waayay aqbalidda xilka agaasime ku xigeenka Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA.

Guddiga doorashooyinka iyo xuduudaha qaranka ayaa warqad uu soo saaray horay ugu sii iclaamiyey in ay qaban doonaan doorashada kuraasta tirsigoodu yahay HOP#248 iyo HOP#049, oo ay banneeyeen Saadaq Cumar Xasan (Joon) iyo Mustaf Sheekh Cali (Dhuxulow).

Waxaa sidoo kale weli jira kuraas kale oo baarlamaanka Soomaaliya ka banaan, waana illaa 3 kursi oo kala ah kursigii uu baneeyay agaasimaha hay’adda NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) iyo laba kuraas kale oo ay ka geeriyoodeen xildhibaanadii kala ah Khadiija Maxamed Diiriye iyo Maxamud Maxamed Seeseey.

Si kastaba, Tallaabadan cusub ee uu guddiga ku buuxinaayo kuraasta banaan ayaa ka dambeysay, kadib markii 25-kii bishii lasoo dhaafay gudoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe uu warqad u diray guddiga doorashooyinka, isaga oo ka dalbaday inay si dhaqsa leh ku soo buuxiyaan kuraasta ka banaan Golaha shacabka Soomaaliya.

RELATED ARTICLES

Most Popular