Sunday, March 8, 2026
spot_img
GurigaWararkaGuddiga Doorashooyinka Qaranka oo Shahaado Siiyay Urur Siyaasadeed ay Hogaaminayaan Eedeeysanayaal Maxkamadeed

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo Shahaado Siiyay Urur Siyaasadeed ay Hogaaminayaan Eedeeysanayaal Maxkamadeed

Waxaa si weyn loo hadal hayaa go’aanka Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka (GMDQ) ee ah in uu siiyo shahaadada ururnimo laba eedeeysane oo maxkamaddu horey ugu jartay waaran qabasho, kuwaas oo lagu magacaabo Sadaq Muqtaar Cabdule iyo Ahmed Saneey.

Labadan shaqsi ayaa horey u ahaa xildhibaanno, balse waxay lumiyeen xilalkooda kadib markii lagu eedeeyay anshax xumo iyo dacwado maxkamadeed oo weli taagan. Wararka la helayo waxay muujinayaan in maxkamaddu ay si cad u jartay waaran qabasho, taasoo ka dhigan in ay yihiin eedeeysanayaal aan weli ka bixin hannaanka garsoorka.

Su’aalaha Sharciyeed ee Ka Dhashay Go’aanka Guddiga

Go’aanka Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa dhaliyay su’aalo badan oo ku saabsan hufnaanta iyo madax-bannaanida hay’adda, iyadoo dad badan ay isweydiinayaan sida ay suurtagal ku tahay in urur siyaasadeed oo ay hogaaminayaan eedeeysanayaal maxkamadeed loo aqoonsado si rasmi ah.

Qaar ka mid ah sharciyaqaanada iyo siyaasiyiinta mucaaradka ayaa ku dooday in tallaabadan ay tahay mid lidi ku ah garsoorka dalka, isla markaana dhaawaceysa kalsoonida shacabka ee hanaanka doorashooyinka. Waxaa sidoo kale la isweydiinayaa in Guddigu uu jebiyay xeerarka u degsan diiwaangelinta ururrada siyaasadeed, kuwaas oo looga baahan yahay in ay buuxiyaan shuruudo adag oo ay ka mid tahay dabeecad suuban iyo la xisaabtanka sharciga.

Jawaabta Guddiga iyo Mowqifka Dadweynaha

Inkasta oo Guddiga Doorashooyinka Qaranka uu sheegay in ururka uu buuxiyay dhammaan shuruudihii looga baahnaa, haddana ma jirto wax caddeyn ah oo muujinaysa in la tixgeliyay xaaladda maxkamadeed ee hogaamiyeyaasha ururka. Dadweynaha iyo warbaahinta maxalliga ah ayaa si weyn u hadal haya arrintan, iyagoo ku baaqaya in la sameeyo baaritaan madax-bannaan oo lagu hubinayo sharcinimada go’aanka.

RELATED ARTICLES

Most Popular