Gudoomiyaha Guddiga Madaxa-banaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha Qaranka Cabdikariim Axmad Xassan ayaa maanta shaaca ka qaaday in shacabka Soomaaliyeed ay 15-ka Bishan April u dareeri doonaan goobaha is-diiwaan galinta codbixiyeyaasha si ay u qaataan kaarka codeynta.
Cabdikariim Axmad Xassan oo ka hadlay munaasabadda daahfurka ololaha qaran ee diiwan gelinta codbixiyeyaasha oo maanta lagu qabtay hoteelka Decale ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in diiwan galinta laga bilaawi doono Gobolka Banadir si ay shacabka soomaaliyeed ay uga qeyb qaataan doorashada Golaha deegaanka ee la qaban doono 30-ka June ee sanadkan.
“Waxaa Sharaf noo ah in hal maalin ka dib oo ku began 15-ka bishaan April, ku dhawaad 60 sano ka dib, dadka Soomaaliyeed ee ku nool Gobolka Banadir in ay bilaawaan is-diiwan galinta si ay bisha June 30-keeda u sdoortaan Golahooda deegaanka,” Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka Cabdikariin Axmed Xasan.
Gudoomiyaha ayaa sidoo kale ka hadlay in Guddiga uu dhawaan la wareegay dhamaan qalabkii loogu tala galay in dalka looga qabto doorasho qof iyo cod ah, sida qalabka diiwan galinta dadweynaha iyo qalabkii la isticmaali lahaa maalmaha doorashada. Waxaa uu sheegay in taasi ay tahay taarikh weyn, hantidaas neh ay shacabka soomaaliyeed u tahay mid dhaxalgal ah.
Munaasabadda daahfurka ololaha qaran ee diiwan gelinta codbixiyeyaasha oo maanta lagu qabtay hoteelka Decale ee Magaalada Muqdisho waxaa ka soo qeyb galay Madax ka tirsan Dowlada, Xildhibaano, Madaxda axsaabta dalka qaar ka mid ah iyo bulshada qeybaheeda kala duwan.
Guddiga Madaxa-banaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha Qaranka ayaa sidoo kale bilawaay wacyigalinta dadweynaha iyo in bulshada lagu dhiiri galiyo inay is-diiwaan galiyaan oo ay qaataan kaararka aqoonsiga si ay u helaan fursad ay doorashooyinka uga qeyb galaan.
Guddiga ayaa bulshada u cadeeyay in qofkii aanan qaadanin kaarka aqoonsiga aysan u suurta gali doonin inuu doorashooyinka ka qeyb galo oo codkiisa uu dhiibto.
Guddigan oo la asaasay bishii November ee dhamaaka sanadkii la soo dhaafay ayaa 2-dii bishii December ee 2024 Cabdikarim Axmad Xassan u doortay Gudoomiyaha Guddiga, iyadoo wixii intaasi ka dambeeyay neh ay si rasmi ah shaqooyinkooda u bilaaween.