Muqdisho — Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), oo ay wehliyaan guddoomiye ku-xigeennada koowaad iyo labaad ee labada Aqal ee Baarlamaanka, ayaa kulan la qaatay guddiyada u xilsaaran Dib-u-eegista Dastuurka.
Intii uu kulanku socday, guddiyada Dib-u-eegista Dastuurka ayaa guddoonka labada Aqal ku wareejiyay soo-jeedimaha wax-ka-beddelka ee Cutubyada 5-aad ilaa 9-aad ee Dastuurka Qaranka. Sidoo kale, guddiyadu waxay guddoonka la wadaageen shintiriska (jadwaleynta) doodaha ku saabsan soo-jeedimahaasi, si loo guda-galo marxaladda xigta ee doodo rasmi ah.
Kulanka waxaa ka qayb galay Guddoomiye-ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Aqalka Sare, Mudane Cali Shacbaan Ibraahim; Guddoomiye-ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka, Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar; Guddoomiye-ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka, Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow; iyo Guddoomiye-ku-xigeenka Labaad ee Golaha Aqalka Sare, Mudane Cabdullaahi Xirsi Timacadde.
Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu dardargelinayo geeddi-socodka Dib-u-eegista Dastuurka KMG ah, looguna gogol-xaadhayo in la helo Dastuur dhammeystiran oo ku dhisan wada-tashi, hufnaan, isla-xisaabtan iyo matalaad qaran.

