Monday, April 28, 2025
spot_img
GurigaUncategorizedGudoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo xaqiijiyay in mooshin loo soo gudbiyay iyo...

Gudoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo xaqiijiyay in mooshin loo soo gudbiyay iyo sababta ka dambeysa

Fadhigii Maanta ee Golaha shacabka Soomaaliya ayaa u baaqday kooram la'aan waxaana xaadirtay oo kaliya 137 mudane waxaana ka dhinnaa oo kaliya si kooramka uu ubuuxsamo laba xildhibaan, Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa digniin culus u diray xildhibaanada wali dibadda ku maqan ee aan fadhiga soo xaadirin.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadam Maxamed Nuur Madoobe ayaa maanta waxa uu ka dhawaajiyay inay jirto mooshin ay lasoo wadaageen qaar kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya inkastoo uu tilmaamay in kooram la’aan ay suurtagali weyday in ajendaha lagu soo daro.

Fadhigii Maanta ee Golaha shacabka Soomaaliya ayaa u baaqday kooram la’aan waxaana xaadirtay oo kaliya 137 mudane waxaana ka dhinnaa oo kaliya si kooramka uu ubuuxsamo laba xildhibaan, Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa digniin culus u diray xildhibaanada wali dibadda ku maqan ee aan fadhiga soo xaadirin.

Waxa uu Sheekh Aadan Madoobe uu sheegay in ajendeyaal waa weyn ay horyaalaan kalfadhigaan ayna doonayaan inay waqti fiican u helaan balse xildhibaanadda ay tahay inay kooramka soo buuxiyaan oo aysan ka maqnaan fadhiya baarlamaanka.

“Waa inaan gudanaa waajibaadkeeni Qaran, waxaa ceeb nagu ah inaan sabtida kooram la’aan noqono, waa in waajibaadkiina gudataan, kuwa maanta maqan ee sababay inuu maanta furmi waayo baarlamaanka aad iyo aad ayaan uga xunnahay, waxaan leeyahay hala yimaado baarlamaanka waana baaq, waxaana bilaabi doonaa inaan yeerino magacyada xildhibaanadii soo xaadiri waayo Golaha Shacabka”. ayuu yiri Gudoomiye Aadan Madoobe.

Mooshinkan oo ay gudbiyeen Xildhibaanada laga soo doortay Juballand ayaa daba socda xildhibaannadii shalay lagu xayiray garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, iyaga oo kusii jeeday dhanka magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, sida uu sheegay Xildhibaan Xasan Yare oo kamid ah xubnaha saxiixay mooshinka.

Xildhibaanka oo faah-faahiyay ujeedkooda ayaa sheegay inuu yahay la xisaabtanka madaxda dowladda, wuxuuna tilmaamay in dooda mooshinka la galayo Sabtida soo socota.

“Annaga hadda waxaan gaynay mooshin ku saabsan xildhibaannadii saaxibadeena ahaa ee lagu xayiray garoonka Muqdisho iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed diyaaradaha laga xayiray ee xaquuqda aas aasiga ee uu muwaadinka leeyahay” ayuu yiri xildhibaanku.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Kooramka maanta waa buuxsami waayey hase ahaatee mooshinka hadda waa la haayaa Insha allah Sabtiga ayaan doodiisa galeynaa”.

Dhinaca kale xildhibaanka oo sii hadlayay ayaa weerar afka ah ku qaaday madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha, isaga oo ku eedeeyay inay cunaqabateyn saareen Jubbaland iyo dadkeeda.

“Garoonkii magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya wuxuu isku bedelay garoon magafayaal ay haystaan oo dadka lagu caburiyo, Madaxweynihii Soomaaliya iyo Ra’iisul wasaarihii waxay noqdeen Magafayaal,” ayuu yiri xildhibaan Xasan Yare.

Waxaa kale oo uu yiri “Waxaa garoonka laga furay qol lagu wareysto dadka Jubbaland u socda ama ka imaanaya, qolkaas oo su’aallo lagu waydiiyo xaggee u socotaa, xaggee ka imaatay maxaa ka qabataa Jubbaland la leeyahay?”

Si kastaba, Shalay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Xildhibaan Cabdirashiid Jire Qalinle iyo Xildhibaan Cumar Qalad-diid ku xayirtay garoonka Aadan Cadde, kadib markii la sheegay in dowlada ogaatay inay u socdaan magaalada Kismaayo, waxaana laga hor istaagan safarkaasi.

RELATED ARTICLES

Most Popular