Monday, April 28, 2025
spot_img
GurigaWararkaHay'adda Socdaalka Soomaaliya oo ka hortagtay dhalinyaro si sharci darro uga tahriibi...

Hay’adda Socdaalka Soomaaliya oo ka hortagtay dhalinyaro si sharci darro uga tahriibi rabtay Soomaaliya

Dhalinyaradaan gacanta lagu soo dhigay ayay Hay'adda Socdaalka ay tilmaamtay in ay ku wareejisay Hay'adda ku shaqada leh kadib markii lagu helay cadaymo muujinaya in ay tahriibayeen.

War saxaafadeed kasoo baxay Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in mudooyinkii u dambeeyay ay Hay’addu xoogga saartay ka hortagga, la dagaalanka tahriibka iyo socdaalka sharci-darrada ah iyadoona ka hortagtay dhalinyaro badan oo si sharci darro ah ku bixi rabay.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa waxa ay todobaadyadii ugu danbeeyay hakisay tiro socdaal sharci darro ah oo ay ku tahriibayeen dhallinyaro Soomaaliyeed oo da’dooda u dhaxeyso 18-25 sano, una safrayay wadamada qaaradaha Yurub, Aasiya iyo Afrika.

Warka kasoo baxay Hay’adda ayaa sidoo kale shaaca looga qaaday in Sadexdii bilood ee ugu danbeeyey ee sanadka 2025, ay ka hortagtay 124 qof oo dhalinyaro Soomaaliyeed ah kuwaas oo qorshaynaayey in ay bilaabaan safaradooda tahriibka.

Dhalinyaradaan gacanta lagu soo dhigay ayay Hay’adda Socdaalka ay tilmaamtay in ay ku wareejisay Hay’adda ku shaqada leh kadib markii lagu helay cadaymo muujinaya in ay tahriibayeen.

Ugu dambeyntii Hay’adda Socdaalka ayaa ugu baaqday waalidiinta Soomaaliyeed in ay ka warqabka dhaq-dhaqaaqa ubadkooda kordhiyaan si looga badbaadiyo khataraha ay la kulmayaan muddada ay safarka tahriibka ku jiraan.

RELATED ARTICLES

A REPLY TAGO

Fadlan qor faalladaada!
Fadlan halkan ku qor magacaaga

Most Popular