Sunday, March 8, 2026
spot_img
GurigaWararkaHowlgal Qorsheysan oo Lagu Khaarijiyay Horjoogayaal Ka Tirsan Al-Shabaab oo Ka Dhacay...

Howlgal Qorsheysan oo Lagu Khaarijiyay Horjoogayaal Ka Tirsan Al-Shabaab oo Ka Dhacay Shabeellaha Dhexe

Muqdisho — Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa 21-kii Diseembar 2025 fuliyay howlgal milatari oo qorsheysan oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, kaas oo ka dhacay deegaanka Jabad Godane ee hoostaga degmada Xawaadley, gobolka Shabeellaha Dhexe, sida ay xaqiijiyeen ilo rasmi ah.

Howlgalkan oo ahaa mid cir iyo dhul ah ayaa lagu dilay in ka badan 15 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, kuwaas oo ay ku jireen horjoogayaal muhiim ah oo ku lug lahaa abaabulka iyo fulinta falalka argagixiso. War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegay in howlgalka si gaar ah loogu beegsaday goob ay maleeshiyadu ku lahaayeen xarumo iyo difaacyo adag.

Horjoogayaasha la dilay waxaa ka mid ahaa Jacfar Aadan, oo ahaa horjoogihii Al-Shabaab ee Jabad Godane, Cabdirisaaq Cali, oo u qaabilsanaa daaweynta iyo daryeelka maleeshiyada, iyo Daa’uud, oo ka tirsanaa horjoogayaasha hoggaaminayay kooxaha ku dhuumaaleysanayay deegaanka.

Warar kale oo ka imanaya gobolka ayaa tilmaamaya in howlgalku uu daba socday dagaal toos ah oo dhex maray ciidamada dowladda iyo maleeshiyada Al-Shabaab, kaddibna ay ku biireen duqeymo cirka ah oo ay fuliyeen diyaarado ay leeyihiin dowladaha taageera Dowladda Federaalka Soomaaliya. Duqeymaha ayaa si bartilmaameed ah u beegsaday saldhigyo iyo goobo ay kooxdaasi ku sugnaayeen.

Ilo amni ayaa sheegay in howlgalka uu si weyn u wiiqay awoodda Al-Shabaab ee deegaanka, gaar ahaan dhinacyada hoggaaminta, abaabulka iyo saadka. Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa haatan ku sugan aagga Jabad Godane, iyadoo weli la dareemayo xiisad amni.

Howlgalkan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ku dooneyso inay ku ciribtirto Al-Shabaab, isla markaana ku xaqiijiso nabad iyo xasillooni waarta oo ka hirgasha deegaannada Hirshabeelle iyo guud ahaan dalka.

RELATED ARTICLES

Most Popular