Saturday, March 14, 2026
spot_img
GurigaWararkaHowlgallo Ka Dhacay Hiiraan iyo Mudug Oo Lagu Dilay In Ka Badan...

Howlgallo Ka Dhacay Hiiraan iyo Mudug Oo Lagu Dilay In Ka Badan 22 Al-Shabaab Ah

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa sheegtay in howlgallo qorsheysan oo ay ka fulisay gobollada Mudug iyo Hiiraan lagu dilay in ka badan 22 xubnood oo ka tirsanaa Al‑Shabaab.

Bayaan ay soo saartay NISA ayaa lagu sheegay in howlgalka koowaad uu ka dhacay deegaanka Dumaaye ee gobolka Mudug, halkaas oo lagu bartilmaameedsaday goob ay ku sugnaayeen maleeshiyaad iyo horjoogeyaal ka tirsan kooxda. Weerarkaasi waxaa lagu dilay ilaa 15 xubnood oo ay ku jireen horjoogeyaal ay ka mid yihiin Xudeyfa Galinle, Qataatow, Cabdiraxmaan Garwayne, Daahir iyo Cabdiwali.

Dhanka kale, howlgal kale oo ka dhacay degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan ayaa lagu beegsaday laba guri oo ay ku sugnaayeen horjoogeyaal iyo maleeshiyaad ilaalo u ahaa Mustaf Caato oo lagu sheegay inuu yahay horjoogaha Al-Shabaab ee gobolka Hiiraan.

Howlgalkaas ayaa lagu dilay toddobo xubnood oo kale oo ka tirsanaa kooxda, waxaana ku jiray laba horjooge oo muhiim u ahaa dhinaca maaliyadda, kuwaas oo kala ahaa Qaliif Muumin Sabriya iyo Cismaan Cabdulle Faarax. Sidoo kale, NISA waxay sheegtay in howlgalka lagu burburiyay gaadiid ay isticmaalayeen horjoogeyaashan.

NISA ayaa sheegtay in howlgalladan ay qeyb ka yihiin dadaallada ay dowladda Soomaaliya iyo saaxiibada caalamka ku wadaan la dagaallanka Al-Shabaab, si looga hortago weerarrada ay kooxda qorsheyneyso ee ka dhanka ah shacabka Soomaaliyeed. Hay’addu waxay sidoo kale sheegtay inay sii wadi doonto howlgallada lagu baacsanayo kooxda si looga sifeeyo goobaha ay ku dhuumaaleysanayaan.

RELATED ARTICLES

A REPLY TAGO

Fadlan qor faalladaada!
Fadlan halkan ku qor magacaaga

Most Popular