KUFRA, Liibiya — Hay’adaha ammaanka dalka Liibiya ayaa xoreeyay in ka badan 200 muhaajiriin ah, oo ay ku jiraan Soomaali, kaddib howlgal lagu beegsaday xabsi qarsoodi ah oo ku yaalla magaalada Kufra ee koonfur-bari dalkaas, sida ay masuuliyiintu u sheegeen wakaaladda Reuters.
Mas’uuliyiinta ammaanka ayaa sheegay in la helay xabsi dhulka hoostiisa ah oo ay maamuli jirtay shabakad ka ganacsata tahriibinta dadka, laguna hayay muhaajiriinta xaalado aad u liita oo ka baxsan bini’aadannimada. Qaar ka mid ah dadka la xoreeyay ayaa la sheegay in ay ku xirnaayeen qolal dhulka hoostiisa ah muddo gaareysa ilaa laba sano.
Mid ka mid ah ilaha ammaanka ayaa falka ku tilmaamay “mid ka mid ah dambiyada ugu halista badan ee ka dhanka ah bini’aadannimada ee laga helay gobolka,” iyadoo la xaqiijiyay in xabsiga laga helay dhowr qol oo loogu talagalay xarig qarsoodi ah. Shakhsiga la tuhunsan yahay inuu maamulayay shabakaddaas ayaa weli baxsad ah, sida ay sheegeen ilo-wareedyo.
Muhaajiriinta la xoreeyay ayaa ka soo jeeda dalalka Afrika ee Saxaraha ka hooseeya, gaar ahaan Soomaaliya iyo Eritrea, waxaana ku jira haween iyo carruur. Magaalada Kufra, oo qiyaastii 1,700 km u jirta caasimadda Tripoli, ayaa noqotay meel ay si joogto ah u maraan muhaajiriinta u socda Yurub.
Tan iyo ridistii taliskii Mucammar Qadaafi sannadkii 2011, Liibiya waxay noqotay marin ay maraan muhaajiriinta ka cararaya colaadaha iyo saboolnimada, iyagoo wajahaya khataro ay ka mid yihiin afduub, jirdil iyo dhimasho. Toddobaadkii hore, ugu yaraan 21 meyd oo muhaajiriin ah ayaa laga helay xabaal wadareed ku taalla bariga Liibiya, halka qaar ka mid ah dadkii ka badbaaday ay muujiyeen calaamado jirdil.
Sidoo kale, bishii Febraayo ee sannadkii hore, 39 meyd ayaa laga soo saaray in ka badan 50 xabaal wadareed oo ku yaalla Kufra. Xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Liibiya ayaa sheegay in eedeysanayaal la xiriira dambiyadaas loo gudbiyay maxkamad, iyadoo baaritaannadu ay weli socdaan.

