Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaalo iyo duqeymo ka dhan ah kooxda Al-shabaab oo saacadahii lasoo dhaafay ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe.
Howlgalada ayaa la tilmaamay iney si gaar ah uga dhaceen deegaanka Masaajid Cali Gaduud iyo deegaan kale oo hoostaga degmada Raage Ceele, islamarkaana khasaare xoog leh lagu gaarsiiyay kooxda Al-shabaab.
Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Abuukar Maxamed ayaa sheegay in howlgalada lagu dilay in ka badan 40 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab, islamarkaana lagu gubay gaari Cabdi bile ah oo ay kooxdu wadatay.
“Hawlgalo cir iyo dhul ah oo ciidamadu ka fuliyeen Masaajid Cali Gaduud iyo deegaan kale oo hoostaga Raage Ceelle ee gobolka Shabeellaha Dhexe waxaa lagu dilay Khawaarij gaareysa 41 xubnood, kadib duqeymo lagu bartilmaameedsaday Cadawga” ayuu yiri Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhiga Abuukar Maxamed.
Dhanka kale, waxaa 30 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab lagu dilay Sabiid iyo Caanoole oo ku yaala duleedka degmadda Afgooye ka dib howgallo ay ciidamada qaraka fuliyeen.
Afhayeen Abuukar Maxamed waxaa uu sidoo kale sheegay iney meel wanaagsan marayaan howlaha dardar galinta dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab, islamarkaana Raysal wasaaraha uu haatan kusoo biiray furimaha hore ee dagaalka dalka looga xureynaayo kooxda.
Gobolka Shabeellaha Dhexe waxaa maalmahii lasoo dhaafay si xoogan uga socday dagaalo iyo duqeymo culus oo lagu beegsanaayo goobaha ay Al-shabaab kaga sugan yihiin gobolkaas.