Saturday, March 7, 2026
spot_img
GurigaWararkaIs-afgarad Hordhac ah oo Laga Gaaray Halka Lagu Qabanayo Shirka Dowladda iyo...

Is-afgarad Hordhac ah oo Laga Gaaray Halka Lagu Qabanayo Shirka Dowladda iyo Mucaaradka

MUQDISHO, 18 Febraayo 2026 – Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in is-afgarad hordhac ah laga gaaray in shirka wada-tashiga u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed lagu qabto Xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya.

Go’aankan ayaa la sheegay inuu yimid kaddib codsi uu gudbiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyadoo labada dhinac ay muujiyeen dabacsanaan iyo tanaasul si loo abuuro jawi wadahadal oo rasmi ah.

Shalay, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kulan qado ah ku qabtay Hotel Decale oo ku yaalla Muqdisho, halkaas oo uu kula kulmay siyaasiyiinta Golaha Mustaqbalka iyo xubnaha guddiga farsamo ee shirka wada-xaajoodka. Kulankaas horudhaca ah ayaa lagu muujiyay isku soo dhowaansho iyo abuuridda kalsooni ku saabsan gogosha wadahadalka ay fidisay Dowladda Federaalka.

Qadada kaddib, dhinacyada ayaa saxaafadda u xaqiijiyay in is-afgarad laga gaaray arrimo hore la isku hayay, gaar ahaan goobta uu ka dhacayo shirka. Villa Soomaaliya ayaa noqotay madasha lagu qabanayo wadaxaajoodka, inkasta oo xubno ka tirsan Golaha Mustaqbalka ay hore uga muujiyeen diidmo.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa xalay kulan gaar ah la yeeshay Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland, Siciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam. Kulankaas oo aan saxaafadda loo furin ayaa lagu sheegay in diiradda lagu saaray dadaallada lagu xoojinayo qabsoomidda shirka iyo sidii loo yareyn lahaa khilaafaadka taagan.

Shirka la qorsheynayo ayaa looga gol leeyahay in xal looga gaaro murannada siyaasadeed ee salka ku haya hannaanka doorashooyinka dalka iyo wax-ka-beddelka dastuurka kumeelgaarka ah, arrimahaas oo ay mucaaradku ka muujiyeen tabashooyin.

Ilo xog-ogaal ah ayaa tilmaamaya in weli ay socdaan wada-xaajoodyo farsamo oo lagu dhammaystirayo habraacyada shirka, si loo xaqiijiyo in kulanku u qabsoomo si rasmi ah maalmaha soo socda. Qabsoomidda shirka ayaa waxaa soo dhaweeyay beesha caalamka, iyadoo loo arko tallaabo muhiim ah oo lagu yareynayo xiisadaha siyaasadeed ee dalka.

RELATED ARTICLES

A REPLY TAGO

Fadlan qor faalladaada!
Fadlan halkan ku qor magacaaga

Most Popular