Sunday, June 15, 2025
spot_img
GurigaWararkaIsbadal Nololeed: ILO oo Baydhabo ka fulisay mashruuc shaqo abuur u sameeyay...

Isbadal Nololeed: ILO oo Baydhabo ka fulisay mashruuc shaqo abuur u sameeyay in ka badan 5,000 oo qof

Baydhabo, Soomaaliya – 1-da May, 2025 – Iyadoo dunida u dabaal-degeyso Maalinta Shaqaalaha Adduunka, magaalada Baidoa ee Koonfur Galbeed Soomaaliya waxa ka hirgashay sheeko cajiib ah oo ku aadan adkeysi, midnimo iyo dib-u-dhisid dhanka nolosha ah. Hay’adda Shaqaalaha Adduunka ee ILO, oo kaashanaysa Dowladda Federaalka Soomaaliya islamarkaana ay maalgelinayso Dowladda Jarmalka iyada oo loo sii marayo Bangiga Horumarinta KfW, ayaa guulo wax-ku-ool ah ka gaartay dhinacyadda shaqo-abuurka iyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha ee deegaanka.

Tan iyo sanadkii 2019, mashruuca weyn ee ILO ee loogu magac daray “Abuurista Fursado Shaqo oo Sharaf Leh oo loogu Talo Galay Barakacayaasha Soomaaliyeed, Kuwo Soo Laabtay iyo Bulshooyinka Martida loo yahay iyadoo la Marayo Dhismaha Kaabayaasha Dhaqaalaha”, ayaa badalay nolosha kumannaan qof oo danyar ah. Mashruucu waxa uu si toos ah iyo si dadbanba shaqo u siiyay in ka badan 5,000 qof, wuxuuna dib u dhis iyo dayactir ku sameeyay 14.5 kiiloomitir oo waddooyin ah, taas oo si weyn u xoojisay isku socodka, amniga iyo kobaca dhaqaalaha.

“Mashruucani wuxuu door muhiim ah ka qaatay dib u soo celinta rajada dadka barakacayaasha ah iyo shacabka deegaanka,” ayuu yiri Abdullahi Ali Watiin, Duqa Magaalada Baidoa. “Waddooyinka la hagaajiyay waxay kor u qaadeen isku socodka iyo amniga, waxayna Baidoa ka dhigeen meel si fudud lagu gaari karo.”

Dhismaha iyo dayactirka waddooyinkan ayaa si weyn u fududeeyay helitaanka adeegyada muhiimka ah sida caafimaadka iyo waxbarashada. Waddooyinkani waxay noqdeen halbowlayaal isku xiraya ganacsiga, bulshada, iyo isdhexgalka barakacayaasha iyo dadka martida loo yahay.

“Mashruucani wuu ka weyn yahay dhismo waddo—wuxuu astaan u yahay sharaf, ka-qaybgalin iyo fursad,” ayuu yiri Abdi Abdullahi Keinan, Wakiilka Barnaamijka ee ILO. “Wuxuu tusaale u yahay horumarinta magaalo u adkaysata isbeddelka cimilada.”

Mid kamid ah dadka ka faa’iiday mashruuca waa Nuuney Maxamed Cali Isaaq, hooyo 8 carruur ah oo agooma ah korineysa, taas oo hadda dakhli joogto ah ka hesha shaqada dhismaha waddooyinka. “Shaqadani waxay nolosheena u beddeshay si weyn. Hadda waxaan awoodayaa inaan carruurteyda quudiyo oo waxbarashadooda bixiyo,” ayay tiri.

Ganacsatada deegaanka ayaa sidoo kale ka faa’iideystay mashruucan. Cali Cabdi Isaaq, waa darawal Bajaaj, waxaana uu yiri: “Hore boodhka iyo godadka waddooyinka ayaa shaqadayda caqabad ku ahaa. Hadda waxaan sameeyaa 4 ilaa 5 koorso saacaddiiba—dakhligaygii aad buu u kordhay.”
Xawo Luul Aadan Cabdi, oo haweeney ganacsato ah, ayaa intaa ku dartay: “Gaadiid la’aanta horay waxay nagu ahayd dhibaato. Maanta dukaankeyga si fiican ayuu u shaqeeyaa, ganacsiyo cusub ayaana ka hirgalaya xaafadda.”

Mashruuca waxa uu sidoo kale xooga saarayaa abuurista shaqooyin sharaf leh, badbaadada shaqaalaha iyo ilaalinta xuquuqda shaqada, kuwaas oo ah mowduucyada xooga lagu saarayo Maalinta Shaqaalaha ee sanadkan ee dowladda Soomaaliya.

Mohamed Sufi Aden, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, ayaa mashruuca ku amaanay shaqada wanaagsan ee uu hirgaliyay: “Wasaaraddu si buuxda ayey u taageertaa mashruucan maadaama uu la jaanqaadayo hadafkeena ah horumarinta iyo abuurista shaqooyin sharaf leh kuwaas oo si gaar ah u taabanaya dhalinyarada. Waxaan si joogto ah ula soconaa ilaalinta daryeelka shaqaalaha.”

RELATED ARTICLES

Most Popular